Murashax Barkhad Batuun oo xaruntiisa Olalaha ka dhigtey Buul-soomaali

0
789

Hargeysa (Dawan) Murashax Barkhad Batuun oo xaruntiisa olalaha ka dhigtey buul, kaas oo oday laba buul lahaa mid ugu deeqay.

Murashax Barkhad Jaamac Batuun, ayaa ka mida murashixiinta golaha wakiilladda ee uga sharaxan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Muwaadin Xasan oo ka mida odayaasha waa weyn ee reer Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa ayaa mid ka mida guryihii uu ka degaana magaalada Hargeysa u hibeyey Haldoor Barkhad Jaamac Batuun wuxu kaga dhabyey Halganka sharci doonka ee ay cagaftu xaadhi-doonto.

Hoygan uu muwaadinku u hibeeyay Barkhad Batuun ayaa ah guri Buul Soomaali ah.

Haddaba Soomaalida waxa hoy u ah aqal kolba meeshi lagu sheego ila barwaaqo loola guuro, iyada oo la saarayo awrta, waana aqalka wata magaca guud ee Soomaalinimada oo la yidhaaho aqal Soomaali.

Aqal Soomaaligu waa mid dadan oo asal ahaan bulshadu dhistaan, gaar ahaan reer guuraaga ayaa u badan.

Sida caadiga ahna Buul-soomaaliga waxa laga sameeya dhigo, udbo, xakab, hararo, xadhko iyo waxyaabo kale oo markaasi lagu qurxinayo aqalka.

Waa aqal rarmi kara, furfurmi kara, oo kolba meeshi loo guurayo loo rarto.

Soomaalidu waxaa ay tidhaahda ninkii dhashaaba waa bahdiisa wax la qabe ee Barkhad Batuun waa bulshadiisa wax la qabe.

Buulkan aad arkeysaan waa xarunta Olalaha Musharax Barkhar Jaamac batuun sida uu sheegay.

Barkhad ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay sheegay in xaruntiisa olalaha ka dhigtey buul uu oo oday labo buul lahaa mid ugu deeqay waxaanu yidhi. “Xaaji Xasan waan uga mahad celinaya in uu Buulkiisi igu deeqay, aniguna xarunta guud ee ololaha doorashadeyda ayaan Buulkan ka dhigtay, waxa aan rejo weyn ku qaba in buulkani noqon doono mid taariikhda baal dahab ah ka gala, mid duruusta dugsiyada dalka lagu dhigan doono, mid mahadho reebi doona, mid madxafyada caalamka lagu daabici doono haddii ILLAAHEY yidhaaho”.

Leave a Reply