Xikmadaha Maanta

0
414
  • Khaliifkii Muslimiinta Cumar Ibnu Cadulcaziiz ( Rc) ayaa maalin nin aflaagdeeyay! Waxaanu  ugu Jawaabay haddii aanay Maalinta Qiyaame Jiri laheyn Waan kuu Jawaabi lahaa! Carrabka ayaa ah ka ku soo jiidaya Ciqaabka ama Naxariista Allah (sw).
  • Ixtiraam dadka, adigana waa lagu ixtiraami doonaa,
  • sadaqada bixi, Arsaaqadu way kuu badan,
  • dhoola caddee waa lagaa abaaline,
  • Wixii kaa tegay haka murugoon, mustaqbalkana haka baqan yaad fashilmine, Allah (sw) talo saaro.
  • Barkimadu waxay qaadaa madaxa qofka taajirka, faqiirka, boqorka, iyo miskiinkaba.
  • Eyga ayaa  Deerada weydiiyay sababta ay mar kasta uga dheerayso, waxaana ay ugu jawaabatay “ Anigu ma jirto cid aan isku haleyaa, laakiin adigu Sayidkaaga ayaad isku halaysaa”.

Leave a Reply