Ergadii Nabadeynta Ceelka Dhabar-dalool oo Laascaanood Dib ugu soo laabtay

0
462

Laascaanood (Dawan) Ergadii nabadeynta u joogtay shaqaaqadii ka dhacday Ceelka Dhabar-dalool ee degmada Xudun ee gobolka Sool,  ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ergadani waxa  ay sheegeen in wajigii koobaad ee nabada labada beelood ee dirirtu ku dhexmartay Ceelka Dhabar-dalool ay soo gaba-gabeeyeen.

Sidoo kale ergadu waxaa ay xuseen in bilowga  wajigii labaad uu u qorshan yahay dhammaadka bisha barakaysan ee  Ramadaanta haddii ILLAAHEY yidhaaho.

Sideedaba bulshada Somaliland waxa ay ku caano maashay isu tanaasul iyo adkeynta nabadgelyada iyo xal u helistii wixii dhibaato ah.

Leave a Reply