Wasaaradda Biyaha oo Gobolka Hawd ka Bilowday Qeybinta Qarbadka Biyaha lagu Keydsado

0
329

Baligubadle (Dawan) — Wasaaradda Biyaha Somaliland ayaa gobolka Hawd ka bilawday qaybinta bacda Qarbadka ee biyaha lagu qabsado oo heer qoys ah, taas oo ah hirgalinta hawlgalka ay wasaaraddu ugu magac dartay “Gacmahaaga Biyo kaga Dherag”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha mudane Maxamed Xasan Dirir iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa socdaal ujeeddadiisu ahayd hirgalinta hawlgalka lagaga faa’iidaysanayo biyaha roobka ugu baxay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Hawd.

Socdaalka weftiga agaasimaha ayaa daarnaa inay bulshada reer miyiga ah ee ku nool deegaannada gobolka Hawd u qaybiyaan bacda Qarbadka ee Balliyada la dhigo, si qoysaska miyiga ku nooli ugu qabsadaan biyaha roobka taas oo noqotay weelka ugu habboon ee lagu qabsado biyaha roobka.

Agaasimaha guud iyo weftigiisa ayaa bilaabay qeybinta bacdan Qarbadka ah oo heer qoys ah, taas oo halkii qoysba u qabanaysa biyo u dhigma 150 foosto oo xareed ah.

Hawlgalkan qaybinta bacda qarbadka ah ayaa lagu daahfuray gobolka Hawd iyada oo si tijaabo ah looga fulin doono dhawr gobol oo dalka oo dhan ah.

Leave a Reply