Wax-garad ka Codsaday Madaxweynaha in Xoriyadiisa loo soo Celiyo Murrashax Xidhan

0
420

Hargeysa (Dawan) Waxgaradka, Odayaasha iyo cuqaasha deegaanka Gobolka Hawd iyo koonfurta Hargeysa ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka codsaday in la sii daayo oo xorriyadooda loo soo celiyo afar murrashax oo la xidhay, gaar ahaan Murashax Cabdiraxmaan Yuusuf Cali oo u taagan tartanka golaha degaanka Hargeysa.

Odayaasha, haweenka iyo dhallinyarada deegaannada Gobolka Hawd iyo Hargeysa, ayaa tilmaamay in xadhiga Murashax Cabdiraxmaan Yuusuf Cali uu yahay qorshe dhagaraysan oo ay maleegeen siyaasiyiin ay isku beel yihiin murrashax Cabdiraxmaan, kuwaasi oo doonaya in ay reerka afduubaan oo ay u gacan galiyaan xisbiga WADDANI.

Oday Cabdi Xaashi Maax oo ugu horrayn madashaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan salaam iyo hambalyo u diryaaa madaxwaynaha Somaliland iyo guud ahaan bulshada, intaa kadib Madaxweyne waanu cabanaynaa, waxaanu ka cabanaynaa inamada murashixiinta ah ee xidh xidhan, ee xisbiyada mucaaridka ah ka xidhan, hadday xukuumaddu moodayso afar qof uun inay yihiin afar beelood ayaanu nahay, nin waliba beel ayuu ka soo jeeda.

Waxaa aanu madaxweyne ka doonaynaa mid xun iyo mid wanaagsanba adiga ayaa u madaxweyne ah, Somalilandna saamaxaada waligeedba waa ay ku caano maashay, imadan la wanjalay ee laga been abuuray kuwa ka horeeyay oo danbi faraha kula jiray ayay Somaliland saamaxday, waanay ku faa’iday, madaxweyne waxa aanu ka doonayna in inamadaasi aad cafis madaxweyne ku sii dayso, oo aad saamaxdo, oo iyaga iyo beelahooduba sidaasi raali ku noqdaan, ayaanu doonaynaa.

Bulshada inamada soo dooratay iyo xukuumadda xidhiidh wanaagsan ayaa ka dhaxeeya, xidhiidhkaasina in uu sii wanaagsanado ayaanu doonaynaa, inamada dadka soo ashkateeyayna waa dadka la tartamaya, col hortiiba jabay ayay qaadayaan,”

Xaliimo Fadal Iimaan oo iyaduna goobtaasi hadal ka jeedisay ayaa tidhi “Waxaa inamadayada lagu xidhay waa war ku tiri ku teen ah, waa waxaan jirin nin waliba raadku gaadhi waayo ayuu is yidhaaha dabagal, marka ka xumaasho ayaa lagu xidhay, wax dhibaato ah iyo wax danbi ah uu gaystay ma jiro, Soomaaliya wax la yidhaaho oo uu arkay ma jiro, aabihi hooyadii iyo isirkiisutona may arag, annagayagan kula hadlayna ee codsiga ka rabbna ayaan arag, ee madaxweyne soo daa oo cafi inamaadaasi”.

Mabruuk Ibraahim Liibaan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Waxaan leeyahay madaxweyne adaa ka yar iyo ka weynba u madaxweyne ah, adaa mucaarid iyo muxaafidba madaxweyne u ah, sida odayaashi iga horreeyay sheegeen, waa bil Ramadaan waa bilihii la is cafinaayay, waa tobankii ugu kheyrka badnaa mudane madaxweyne dhawaq dheer iyo mid gaabanba waanu ku diraynaaye cafis madaxweyne oo deg dega ayaanu ka doonaynaa, war sugan oo aanu kaaga caafimaad qaadanana deg deg ayaanu kaaga doonaynaa.

Cabdiraxmaan waa ardaydii wadanka Koonfurta Sudan wax ku soo baranayay waana nin arrimo ganacsi u joogay dalkaasi koonfurta Sudan, calanka Soomaaliya ee la leeyahay wuu xidhay rag iyo dad xidhay ayaa magaalada Hargeysa ku nool, wasiiradii Soomaaliya ka soo noqday ayaa magaalada Hargeysa ku nool, Cabdiraxmaan Qaran dumis maaha ee ciddii sidaasi tidhi waa cid riyo ku nool”

Cabdi Maxamed Xuseen isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Xildhibaanada reer Somaliland muddo dheer ayay ku soo jireen halganka nin waliba waa uu tartamayaa, sidii aanu ku soo saarnay ayuu mudane madaxweyne ninkasta rabba maanta in uu u soo baxo, waxaanu ka codsanayna nin walba in aad xoriyadiisa u soo celiso.
Intaas kadib haddii aan is yara dul taago murashax Cabdiraxmaan Yuusuf Cali, beesha uu murashaxayagaasi ka soo jeeda waanu kala qayb sanahay, waxaa aanu u kala qaybsanahay laba xisbi, waxaa la rabba in nalagu qasbo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, halka ay xagga dawladda noo jiidi lahaayeen waxaa ay doonayaan in ay xagga xisbiga WADDANI noo jiidaane naga aqbal”

Oday Aadan Siciid oo is a ka mid ahaa haldoorkii goobta ka hadlay ayaa yidhi. “Mudane madaxweyne murashixiinta xidhan ee Yuusuf Cali ka mid yahay waxa aanu ka codsanayna in aad noo cafido murashaxiinta xidhan, oo dadka mucaaridka ku ah aanad u maqlin, maalintii adiga lagu dooranayay Abokor Axmed ayaan ka soo lugeeyay, weliba abti ayaad ii tahay, marka waxaa aanu ku leenahay nimanka mucaaridka nagu ah ee nagu lidiga ah ha noo maqlin muddane madaxweyne”

Leave a Reply