Somaliland: Laambada Dimuquraadiyada Geeska Afrika 1959-2020

0
386

Somaliland waxa ay u diyaar garoobaysaa Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamada oo u muddeysan 31 bishan May Sanadka 2021 inay ka qabsoomaan dalka.
Doorashada Golihii 3aad ee Aqalka Wakiillada iyo Goleyaal deegaan oo iyaguna noqonaya Goleyaashii 3aad waa fursad kale oo ay shacabka Somaliland ku xaqiijinayaan higsiga iyo himilooyinka Qarankooda sodon jirsaday.

Waxa kale oo ay Doorashada Foosheedu bilowga tahay Dhidibada u adkaynaysaa guulaha lama huraanka ah ee Somaliland ka gaadhay nidaamka Doorashooyinka hal qof iyo Hal cod ee ku dhisan tartan xor iyo xalaal ah , nabad-gelyada taaba gashay iyo bisaylka siyaasaddeed.

Marka dib loogu noqdo Sooyaalka taariikhda fog ee Doorashooyinka Jamhuuriyada Somaliland, waxa ay ka soo bilaambaysaa wakhti ku beeggan 1959-kii, markaasoo ay Maxbiyadii Ingiriisku qabatay Doorasho Baarlamaan oo ahayd tii ugu horaysay ee ka dhacda geyiga Somaliland.

Haddaba halkan hoose ka Daawo Warbixin Muuqaal ah oo ku saabsan  Taariikhda Doorashooyinka Somaliland 1959 ilaa 2021 qaybtii 1aad:

Leave a Reply