Koomishanka Doorashooyinka Qaranka oo Qaabilay safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya

0
318

Hargeysa (Dawan) Koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta xaruntooda Hargeysa ku qaabilay safiirka boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa guddida doorashooyinka Qaranka ku boggaadiyay hawlaha balaadhan ee u diyaargarawga doorashooyinka Isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka taas oo 31-ka May 2021 ka qabsoomaysa Jamhuuriyadda Somaliland, noqona doonta tallaabo kale oo hor leh iyo horumar uu sameeyay geedigii dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee ay Somaliland soo waday tan iyo daboyaaqadii 2002-dii, wakhtigaas oo ay qabsoontay doorashadii golayaasha deegaanka Somaliland.

Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa isaguna uga mahadceliyey dawladda UK taageeradeeda doorashooyinka Somaliland.

Leave a Reply