Qisada Dadka Ah Ee La Waayay!

0
141

Mr.Harold Edward Holt waxa uu ahaa ra’iisal wasaarihii 17aad ee dalka Autralia, waxa uu xilka hayay sanadkii 1966 -1967, waxa kale oo uu ahaa hogaamiyaha xisbiga liberal party.

Bishii December sanadkii 1967 ayuu doonayay inuu ku dabaasho harada Cheviot Beach ee Dalka Austerliya.  Ninkaasi markiiba waa la waayay raq iyo ruux meel u ku danbeeyay ka dib markii ay mawjadii biyuhu qaadeen.

Mr.Harlod waxa uu wakhtigaasi ahaa  ra’iisal wasaaraha dalkaasi. Dawlada Austerwliya ayaa qaaday tallaabo baadhis ah oo aad u weyn si loo soo helo ninkaasi halka uu ku danbeeyay. Mr.Harlod  ilaa ayaa maanta lama garanayo halkan u ku danbeeyay ra’iisal Mr.Harold Edward. Harada uu doonayay inuu ku dabaasho ayuu marar badan isticmaalay isagoo aad u yaqaanay dabaasha. Waxaana uu ku biiray Mr.Harlod liiska labaatanka qof ee caanka ah ee dunida la waayay meel raq iyo ruux ay ku danbeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here