Berbera: Dhir Beeris laga Sameeyay xaafada magaaala Cad

0
574

Berbera (Dawan) Dawlada hoose degmada Berbera magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa dhir beeris ka sameysay guryihii la dejiyay.dadka danyarta ah.

Guryahan ayaa ah kuwa ay dawladda hoose ee degmada Berbera bineysan isla markaana ay ugu tallo gashay inay galaan dadka aan awoodooda dhaqaale buurneyn ee ku barakacay abaarihii iska soo daba noq noqday, iyo dadkii awood dhaqaale oo ay ku sameystaan waayay hoy ay galaan.

Dhirta lagu beeray ayaa gaadhayaa Ilaa 40 geed oo loogu tala galay bilic soo celinta xaafadda magaalo Cad ee magaalada Berbera.

Dhirtan ayàa hadh iyo.manaafacadsi u noqon doonta haddii sidii loogu talo galay ay u baxaan dadka degan xafadaasi.

 

Leave a Reply