Waxa la joogaa Xiligii Marsada Berbera ay inoo Goyn lahayd Fursado Dhaqaale iyo Siyaasadeed

0
708

Berbera waa marso caalami ah waxaanay leedahay taariikh fac weyn oo ku siman ilaa qarnigii 19aad, xiligaas oo lagu tilmaamay inay ahayd kadinkii Badda cas iyo Geeska Afrika.

Dekedda Berbera waxa ay leedahay ahmiyad dhinaca istaraatajiyadda ah iyo mid dhaqaale oo ay keentay bogcada ay juquraafi ahaan ku taallo ee gacanka Cadmeed iyo marinka Baabul mandab.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo maanka ku haysa ahmiyad weyn ee dekedda Berbera, kuna xisaabtamaysa sidii ay ula tartami lahayd marsooyinka kale gobolka, waxa ay ku guulaysatay inay u hesho maalgashi lagu ballaadhiyo laguna casriyeeyo dekedda Berbera.

Waxa Xukuumaddu dedaal gelisay in la horumariyo dekedihii jiray, isla markaana laga hawlgalo sidii loo binayn lahaa dekeddo cusub iyadoo laga duulayo haynteeda dhaqaale.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi markii ay xukunka la wareegtay, waxa ay qaaday tallaabooyin lagu dhaqaajiyey mashruuca maalgelinta ee shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay ka wado marsadda Berbera, casriyeyntaas oo ay ku baxayso adduun gaadhaya $442 Milyan oo Doolar.

Xukuumadda iyo Shirkadda DP World waxay bilaabeen dhismaha casriyeynta iyo ballaadhinta dekeddii hore 11kii Bishii October ee sannadkii 2018kii, waxaanay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha DP World Suldaan Axmed Binu Suleymaan ay kala saxeexdeen qandaraaska casriyeynta dekedda oo lagu kordhinayo qayb cusub oo 400 mitir ah,taasi oo imika gabogabo ku dhow dhammaystirkeedii.

Maareeyaha Hay’adda dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan iyo hawlwadeennadiisa waxa u suurtogalay inay saddexdii sannadood ee la soo dhaafay dekedda u soo iibiyaan qalab faro badan oo ay ka mid yihiin; Taagaga Maraakiibta soo xidha, Faynuusyada (Navigation Aid) iyo qalab kale oo casri ah.

Maareeyaha dekedaha oo toddobaad ka hor madaxweyne Muuse Biixi warbixin ku siinayey Berbera, ayaa sheegay in 400 oo mitir ee laga dhisayey dekedda ay Boqolkiiba 95 dhammaatay oo lagu wado in xadhiga laga jaro laba bilood kadib.

Waxa kaloo wax lagu faro ah in Maareeye Siciid Xasan sheegay in hadda kadib ay dekeddu tahli doonto inay ku soo xidhaan maraakiibta waaweyn ee  dhererkoodu yahay 480 mitir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn ugu mahadceliyey dalka Imaaraadka Carabta oo ku dhiiraday inuu jabiyo derbigii Somaliland ka hortaagnaa maalgashiga caalamiga ah, isla markaana ay dhegaha ka furaysteen turaanturooyin cadowga Somaliland ku doonayey inay ku hor istaagaan casriyeynta marsadda Berbera oo lagu wado inay noqoto marinka ugu muhiimsan ee mandaqada Geeska Afrika.

Ugu dambayn, casriyeynta Marsadda Berbera waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay muhiimad weyn, waxana ay ka dhigaysaa bogcad istaraataji ah oo kaalin ku leh Ganacsiga Afrika iyo adduunka intiisa kaleba. Waxa kaloo maalgashi dekedda Berbera uu fure u noqonayaa Qaddiyada Aqoonsi raadinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay indhaha ku soo jeedin  kartaa quwado waaweyn oo ee kala hororsanaya maalgelinta khayraadka dalalka soo koraya.

 

Qore: Faysal Maxamed Cabdi

Leave a Reply