Gen. Doolaal oo laga sii daayey Xabsiga Hargeysa

0
473

Waxa maanta Xabsiga Magaalada Hargeysa laga sii daayey Gen. Jamac Maxamud Aadan (Dollaal), oo maxkamada millateriga Somaliland ku riday xukun 2 sano oo xadhiga 11-kii bishii April.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in lagu sii daayey Cafis madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u fidiyey.

Dollaal ayaa lagu eeddeyey, isla markaana xukunka loogu riday, kaddib markii lagu helay inuu la xidhiidhay qof ku sugan magaalada Muqdisho oo aan la faah faahin waxa dhexmaray.

Leave a Reply