Hargeysa: Ciidamada Dabdamiska oo Dhaam ka soo saaray Maydka Wiil yar

0
437

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa soo saaaray maydka Alle Haw Naxariistee wiil ku dhintay dhaam ku yaalla duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa.

Alle Haw Naxariistee wiil 23 Jir ah oo lagu magacaabo marxuum Cali Carab Aadan ayaa ku dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa gaar ahaan balliga lagu magacaabo Balliga Xariir.

Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa 9:09 am ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa.

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ku guuleysteen Balligana ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

Leave a Reply