Masiibadii Dibigu Sababay!

0
665

Marar  badan ayaad maqashaa habaarka “ Qaladi samada kaaga soo dhcaday”.

Laakiin akhriste dalka Brasil bishii feberweri sanadkii 2013 ayaa nin ka tirsan qoysaska saboolka ah oo lagu magacaabo Jao Maria de Souza oo gurigiisa hurda goor habeenimo ah uu samada  kaga soo dhacay neef  Sac aad u xog weyni.

Gurigiisa oo cariisha ahaa ayuu neefka Saca ahi dusha uga baxay  iyadoo ilaa hadda aan la garan karayn sida uu koray inkasta oo loo malaynayo inuu ka fuulay kaabadda guriga dhiniciisa debedda ku taalay.

Waxaana la sheegay in markii uu dul maryay meel ku began sariirta uu ku hurday ninkani uu neefka Saca ah uu la soo go’ay saqafku , madaama uu ahaa neef aad u xoog weyn isla markaa uu ku fadhiistay Jao Maria.

Sida lagu daabacay bogga telegraph.co.uk, gabadhiisa ayaanay iyada waxyeelo soo gaadhin. Saca ayaa ka soo baxsaday xero xoolaad u dhowayd gurigiisa , waxaana uu culayskiisu dhamaa hal ton iyo badh ama 1500 Kg.  Qoyskiisa ayaa ku dooday in aan shilkaasi la aqbali Karin oo ay tahay in la baadho. Mulkiilaha neefka Dibiga ah lahaa ayaa lagu qaaday kiiska ah dil aan u kas ahayn.

Leave a Reply