Tallaabooyinka u Fududayn kara Bulshada Somaliland inay Bartaan Cunista Kalluunka

0
644

Cunista kalluunka ayaa cilmi-baadhisyo badan iyo daraasado la sameeyay lagu cadeeyay inuu faa’iido badan u leeyahay jidhka dadka weliba qofka cunaa ka xoog weyn yahay ka isticmaala hilibka adhiga.

Dadka ku nool dalka Somaliland ayaa leh cunto illaahay siiyay oo ku jirta baddooda, laakiin aan isticmaalin badankoodu cunista ama ka ganacsiga kaluunka oo ah hilib aad u fiican.
kaluunku waxa uu leeyahay boqol macne oo kala duwan iyo noocyo kala gadisan oo aan halkan lagu soo koobi karayn.

Kalluunka waxa uu macinihiisu uu yahay hilibka awoodda leh ee fiican waxaana dalka Somaliland laga helaa dhamaan qaybihiisa kala duwan laakiin dadka ayaan aqoon maadaama ay yihiin dad ahaan jiray xoolo dhaqato oo ku noolaa hilibka xoolaha nool weligoodna aan isticmaalin, iyagoo bedelkeeda cuni jiray oon xoolaad, taasoo sabab u ah inay adkaato in si degdega ah looga tago cunista hilibka xoolaha nool. waxa jirta sida aan wada ogsoonahay inaan badda Somaliland dad badan ama kalluumaysato badani aanay ka guran kaluunka iyo khayraadka kale ee xalaasha ee ku dhex nool biyahaas.

Su’aashu waxay tahay maxaa looga baahanyahay dadka reer Somaliland inay fahmaan?,cunta la.aani kama jirto dalka ee waa in loo dhaqaaqaa dhinaca badda si looga helo cunto ku filnaan karta guud ahaan bulshada.

Dhanka dawlada iyo wasaaradda kaluumaysiga waxaa looga baahan yahay inay dadka wacyi galin dheeraad ah siiyaan weliba ay dalka u raadiyaan sidii dab laydh (lights) jaban loogu heli lahaa si ay uga faa’iidaystaan kaluunka badda iskaga jira ee aan cidina guran taasi waxay keeni kartaa in reer weliba gaadhi samaysto kuna soo qaato kaluun kadibna ay gashadaan talaagadaha oo kaga maarmaan hilibka haddii ay awoodi kari waayaan iibsigiisa kana helaan caafimaad ka fiican ka ay hada ku sugan yihiin.

Illaahay ayaa bixiya caafimaadkee ku darso hilibku waxa uu leeyahay xanuuno badan sida aad la wada socotaan maadaam (fat) baruur badani ay ku jirto laakiin kaluunku malaha waxaas ee waxaa uu leeyahay faa’iido ka badan waana macaan oo haddii aad baratid qaabka loo kariyo ee loo habeeyo weligaa lagama yaabo in wax kale kaa daadagaan ama ay kuu dhadhamaan.

Wax ka Baro Kalluunka Biyo La’aanta iyo Berriga ku Noolaan Kara

Inteena badani waxaynu la soconaa in kalluunkau yahay noole ku dhaqan biyaha dhexdooda oo haddii uu berriga yimaado uu xilli kooban ku dhimanayo, laakiin xaqiiqadu waxay tahay inuu jiro kalluun ku noolaan kara dhulka berriga ah, kaasoo hawada neefsada, halka sidoo kalen uu jiro kalluun sida shimbiraha duulla.

Kalluunka berriga ku noolaan kara waxa ka mid ah kalluunka noociisu yahay Mangrove oo ah kalluun karti u leh inuu berriga kusii negaado muddo dheer, ka dib marka ay biyaha harrooyinka iyo balliyadu ay gudhaan ama intii u dambaysay ee biyaha ahaa ee kusii jiray goobahaasi ay kululaadaan, waxaanu kusii noolaanayaa kalluunkaas hawada oo uu si weyn u neefsanayo. waxa kale oo jira kalluunka dhooba-galeenka ah oo awood u leh inuu ku sugnaado biyaha banaankooda oo uu ku noolaado berriga iyo kalluunka kale ee noociisu yahay Clarks oo ah kalluun laga helo dalalka koonfur-bari Aasiya, waana kalluun ku dul socon kara dhulka berriga ah, isagoo leh qaybo dheeraad ah oo baalal ah oo hannaankiisa xaga neefsashada ka caawin kara, kuwaasoo hawo badan oo ogzagine ah usoo jiida, waana kalluun ay suuro-gal tahay inaad ku aragto isagoo waddooyinka maraya ama ka gudbaya.

Kalluunka loo yaqaano kalluun sambabeedka ayaa ah ka ugu adkaysiga badan, isagoo muddo sannado ah biyo la’aan ku noolaan kara dhulka berriga ah, waxaanu ku nool yahay galbeedka qaarada Afrika, isagoo sameeya diyaar-garaw dhinaca diraacda ah, isla markaana sii gala dhoobada hoosteeda, marka ay ifafaale diraaceed soo muuqdaan, xilliga abaaruhu jiraana waxa uu hoos galaa dhulka, isagoo muddo sannado ah ku jiri kara gidaarada harrooyinka iyo webiyada, waxaanu kasoo baxaa oo keliya marka uu roob da’o.

Kalluunka kale ee afar indhood laha loo yaqaano oo ah kalluun ku nool dalka Brazil ayaa isna waxa uu xilliga biyo la’aanta waxa uu ku dhuuntaa gidaarada webiyada, dooxyada biyo-galeenka ah iyo harrooyinka, isagoo halkaa ka ugaadhsada xarashaadka yar yar, waxaanu ku sugnaadaa halkaas ilaa dhibica roobku uu bilaabmayo oo uu sannad cusubi soo galayo.

Saddex Faa’iido oo Saliidda Kalluunku u Leedahay Jidhka Aadamaha

Saliidda kalluunku waxay ka kooban tahay saddex nooc oo la kala yidhaahdo. omega-3, EPA iyo  DHA, Kuwaasoo dhamaantoo laga helo waxyaabo caafimaadka muhiim ah, sida ay shaaciyeen sannadihii u dambeeyay khubarada caafimaadku.

Saliidda kalluunka ayaa bani’aadamka ka caawisa dhinacyo badan oo caafimaadka la xidhiidha.

Haddaba qormadeenan maanta ee khayraadka baddaha waxaynu kusoo qaadan doonaa saddex qodob oo aad muhiim ugu ah dhismaha jidhka oo laga helo saliidda kalluunka.

Hoos u dhigidda subagga dhiiga:

Isticmaalka saliidda kalluunku waxay bani’aadamka ka caawisaa inay hoos u dhigto subaga dhiiga (blood cholesterol), taasoo heerka subagaas ka dhigta mid aan isbedbedlin. Tusaale ahaan haddii maalintii uu qofku isticmaalo saddex ilaa 6 garaam oo saliida kalluunka ah waxay ka caawin kartaa heerka subagga dhiiga oo aan keenin saamayn taban ama aan isbedbedlin.

Sidoo kale, haddii qofku bilaabo isticmaalka saliidda kalluunka, waxay qayb ka qaadataa ilaalinta miisaanka jidhka.

Caafimaadka Lafaha:

Koritaanka fiican ee lafaha jidhka waxa qayb weyn ka qaadata isticmaalka saliidda kalluunka.

Daraasado laga sameeyay arrintan ayaa tilmaamay in dhismaha lafaha jidhka iyo caafimaadkoodaba ay door ku leedahay isticmaalka saliidda kalluunku.

Sida ugu wanaagsan ee ay lafuhu u koraan, waa qofka oo hela kaalshiyaam ku filan, taasoo sida khubarada daraasadda sameeyay ay ku caddeeyeen in ay saliidda kalluunku qani ku tahay kaalshiyaamta ay lafaha jidhku u baahan yihiin, si ay u helaan koriin iyo caafimaad fiican.

Dejinta xaaladda nafsiyanka ah:

Daraasad ayaa tilmaantay in saliidda kalluunku ay hormood u tahay waxyaabaha isticmaalkoodu faa’iidada u u leeyahay deganaanta xaaladdaha nafsiga ah ee qofka.

Isticmaalka saliidda kalluunka ayaa qofka ama dadka ka caawisa dejinta maskaxda, waxaanay khubaro caafimaad oo arrintan daraaseeyay ay ku dooddeen in qofka isticmaala saliidda kalluunku uu maskaxiyan ka degan yahay qof aan isticmaalin, marka ay lasoo dersaan xaalado cakirani.

Sida aynu kusoo xusnay saddexdaa qodob ee sare isticmaalka saliidda kalluunku faa’iidooyinka ay leedahay waa kuwo muhiim u ah dhismaha muruqyada, isla markaana xoojisa, iyadoo aan si toos ah uga qayb qaadan dhismaha jidhka, balse si dadban faa’iido ugu leh dhismaha jidhka iyo caafimaadkiisaba, taasoo qofkana ka caawisa inuu qaban karo shaqo badan jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

Haddaba akhriste, isku day inta karaankaaga ah ee aad isticmaali karto saliidda kalluunka iyo guud ahaan cuntada baddaba.

 

 

Leave a Reply