Xisbiga Kulmiye oo Shir ku yeeshay Magaalada Caynaba

0
415
Caynaba-(Dawan)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa caawa kulan la qaatay murrashaxiinta golaha deegaanka ee degmo-doorashada Caynaba iyo Afar murrashax oo katirsan kuraasta golaha wakiillada ee gobolka Sool uga tartamaya xisbiga KULMIYE.
Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Caynaba, ayaa waxa guddoomiyaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, badhasaabka gobolka Saraar, saraakiil katirsan xisbiga KULMIYE iyo xubnaha murrashaxiinta ah, waxana ujeeddadiisu ahayd sidii murrashaxiinta xisbigu u dardargelin lahaayeen hawlahooda la xidhiidha u diyaargarowga doorashooyinka soo socda, islamarkaana xisbigu ugu muujin lahaa taageerada iyo hiilka uu la barbar taagan yahay, ayaa lagu gorfeeyey arrimo door ah oo la xidhiidha sidii ay murrashaxiintu isku duubni iyo wada-jir ugu wajihi lahaayeen tartanka kusoo foolka leh.
Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha murrashaxiinta ah la wadaagay soo jeedimo xisbiga ka yimi oo salka ku haya inay iyagu soo qortaan dhallinyaro muraaqibiin ah, xisbiyahanno ah, daacadnimo iyo hawlkarnimona lagu yaqaanno oo maalinta codaynta ka hawlgala goobaha codayntu ka dhacayso, waxana arrintaas si weyn u soo dhaweeyey murrashaxiinta, iyagoo shaaca ka qaaday inay arrintaas wax weyn ka tarayso guushooda, kalsoonidoodana dhisayso.
Xubno kamid ah murrashaxiinta oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey inay gacantooda kusoo qortaan muraaqibiinta goobaha codaynta ee codkoodu yaallo ka codayn doona, iyagoo xusay inay ka murrashixiin ahaan si weyn ugu diyaar garoobeen doorashada kusoo foolka leh sidii ay uga keeni lahaayeen guul iyaga iyo xisbiga KULMIYE-ba wax u tarta.
Badhasaabka gobolka Saraar iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa la dardaarmay murrashaxiinta xisbiga u metelaysa doorashooyika wakiillada iyo deegaanka, waxana ay ku adkeeyeen inay guusha bartilmaameed ka dhigtaan.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo madasha soo gunaanaday, ayaa dardaaran dheer u jeediyey murrashaxiinta, waxana uu ka codsaday inay olole hufan oo ilbaxnimo iyo waddaniyadi ku dheehan tahay soo bandhigaan, bulshadana ku qanciyaan Barnaamijyadooda iyo qorsheyaasha ay rabaan inay mustaqbalka hirgeliyaan.

Leave a Reply