Hargeysa (Dawan) Wargeyska caanka ah ee The Economist oo axadha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Siyaasadda ayaa qormo dheer ka qoray Taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay dunidda uga mudan tahay inay ku aqoonsadaan guulaha ay ku naaloonayaan muddada 30 sanno ah ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax bannaanideeda.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qormada Warsidaha The Economist oo sheegay in Somaliland ay xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26kii June 1960, waxaanu tilmaamay in maalmo kadib Baarlamaankii Somaliland uu qaatay go’aan madow oo ay kula midoobeen Soomaalidii Koonfurta ee uu xukumi jiray Talyaanigu.
Warsidaha The Economist wuxuu si qoto-dheer uga faallooday xasuuqii iyo dhibtii shacbiga reer Somaliland kala kulmeen taliskii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre iyo xasuuqii uu ka geystay Somaliland oo lagu dilay kumanaan qof oo rayid ah.
Waxa kaloo warbixinta Wargeyskaas caalamiga ahi intaas ku dartay markii Soomaaliya ay cagta saartay dariiqa dagaalka in waxgaradka reer Somaliland ay go’aansadeen inay madax-bannaanidooda kala soo noqdaan Soomaaliya sannadkii 1991kii.
Intaa wixii ka dambeeyay Jamhuuriyadda Somaliland waxay noqotay dawlad shaqeysa oo dimuqraadi ah, waxana ku dhaqan dad gaadhaya 4.5 Milyan oo qof, iyadoo masaafada dhuleed ee Somaliland uu ka weyn yahay Gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Warsiduhu wuxuu sheegay in dimuqraadiyadi ka jirto Somaliland, hase ahaatee ay u xidh-xidhan tahay dal aan jirin, waxaanu xusay in Somaliland aanay dhaqaale ka amaahan karin bangiyada caalamiga ah sababo la xidhiidha aqoonsi la’aanta darteed.
Wargeyska The Economist wuxuu ku ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland inay maamusho xudduudaheeda iyo dhulkeedaba, halka Soomaaliya ay wax yar uun ka maamusho magaalo madaxdeeda Muqdisho.