Wiil Dhallinyaro ah oo Diinta Islaamka loogu Qabtay Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa

0
457

Hargeysa (Dawan) — Maanta waa maalin Jimce ah, Ramadaan waxa ay maraysaa 25, salaada jimcaha waxa aanu ku oognay Masaajidka Rashiid ee gudaha Magaalada Hargeysa.

Markii aanu dhamaysanay dhagaysiga khudbadii Jimcaha iyo tukashada Salaadii waajibka ahayd ayaa waxa ASHAHAADADA loogu qabtay masaajidka wiil dhalinyaro ah oo suuradiisu u e’kayd inuu ka soo jeedo dalka Ethopia ee aynu jaarka nahay.

Wiilka ayaa isla goobtaasi magaciisii hore lagaga badelay waxaan loo bixiyay Maxamed.

Waxaana wiilka ASHAHAADADA u qabtay imaamkii khudbada Jimce Masaajidka ka jeedinaayay, Sheekh Maxamed.

Bulshada Masaajidka ku sugnay ayaa mar qudha uu dareenkoodu isbadelay.

Qof kasta oo Masaajidka ku sugnaa waa uu ku farxay ku soo biirista wiilkaasi dhallinyarada ah ee Diinta Islaamka qaatay.

Waxa uu ahaa qof aad u nasiib badan, maxaa yeelay waxa uu Diinta Islaamka qaatay maalmihii dunidan ugu kheyrka badanaa ee Ramadaan, waliba Ramadaan maalimihii ugu sii kheyrka badnaa ee tobanka ka danbe, tobanka danbe Maalihii ugu kheyrka badanaa ee “Withrida” tirooyonka kala dhiman ee Kinsiga.

ILLAAHAY adoonkaasi kheyrka ha ku sugo.

Leave a Reply