Deegaan Dadka Degan Ay Ka Badan Yihiin Kuwa Martida!

0
866

Jasiiradda  Fola ee dalka Ingiriiska ayaa noqotay jasiiradda Fardaha. Jasiiraddan waxa degan 30 qof  keliya waxaana ay leedahay muuqaal qurxoon iyo haro biyood fara badan. Haddii aad ka eegto meel kasta oo jasiiradda Fola ka mid ah waxaad arki doontaa fardo aad u badan iyo caw si qurux badan u baxay iyo weliba harooyinka biyaha  leh ee ay fardaha yaryari ku nasanayaan.

Jasiirada oo loo bixiyay jasiiradda jannada waxa soo booqda dad aad u fara badan oo dalxiis ah, waxaana ay noqotay magaalo dadka degan mar kasta ay ka badan yihiin kuwa safarka dalxiiska ku yimi. Fola waxay ka mid tahay jasiiradaha Shetland oo ah goobaha ay ku dhashaan nooca Fardaha quruxda badani kuwaasi oo leh timo badan oo dhalaalaya iyo lugo gaagaaban.

Jasiiraddan waxa booqda dadka aad u xiisaynaya cilmi baadhista iyagoo muuqaalkeeda quruxda dabiiciga ah iyo Faradaha noocaas ah baadhis ku  sameeya.    (Akhbar)

Leave a Reply