!Nafaqo Darada Iyo Xanuunada Halista!

0
855

Qofka banii’aadamka ahi wuxu u baahan inuu helo cunto isu dheelitiran oo ay ku jiraan vitamiinska uu maalin kasta u baahan yahay. Qofka oo ay ku yaraadaan Vitamiinada qaarkood wuxu sababa in difaaca jidhkiisuna uu hoos u dhaco, waxaana si fudud ugu dhici kara xanuuno kala duwan.

Noocyada Fitaminada jidhka ayaa baahi weyn u qaba mana shaqayn karo la’aantood.   Haddaba Fitamanada waxa laga helaa cuntooyinka kala duwan ee sida socoda:

– Khudaarata sida Canbaka, liinta Mooska ama midhaha ay dadku beertaan sida hadhuudhka iyo arabakhida dhamaantood waxa laga helaa vitamins kala duwan oo ay dadku uu baahn yihiin maalin kasta.

–Hilibka ayaa isna laga helaa oo ay ka mid yihiin hilibka kaluunka, kan digaaga iyo dhamaan hilibka xoolaha way leeyihiin vaitamin ay dadku uu baahan yihiin.

– Caanaha ayaa iyana ka mid ah markay saafi yihiin kuwa laga helo vaitaminska  Sida caanaha geela, lo’ad iyo kuwa adhigaba.

Arrimahan waxa isku waafaqay oo cadeeyay soona saaray culimda aqoonta u leh cilmiga nafaqada (Nutritionist), kuwaasi oo sid cad u sheegay in xanuunada halista ahi ay ka dhashaan nafaqada darad ku dhacda qofka (Malnutrition).

Faytaminsku waxa kale oo ay qaarkood difaacaan xanuuno ku dhici laha jidhka iyo lafaha sida Faytamin D oo ka difaaca xanuunka gabawga lafaha (Rickets).

 

Leave a Reply