Somaliland Wadajir iyo Midnimo Ayey 30 Sannadood ku soo Gaadhay

0
130

Qore: Cumar Maxamed Faarax

Jamhuuriyadda Somaliland waxay 18ka May 2021 u dabaal-degaysaa sannad guuradii 30aad ee ka soo wareegtay markii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii.

Soddonkaas sannadood ee ay Somaliland ku naaloonayso xornimada iyo madax-bannaanida, waxa ay ka soo kabatay tawsti iyo burburkii ka soo gaadhay calankeedii ay walaal jacaylka kula midowday Soomaalidii Talyaanigu xukumi jiray. Hase yeeshee ay Afar maalmood kadib 1-dii July 1960kii ay garowsadeen inay god madow ku dhaceen isla markaana walaalahoodii ay shuruud la’aanta ku raaceen ay ka abaal ka dareen oo ay kaligood isku koobeen madaxtinimadii dalka oo dhan.

Guuxii maalintaas bilaabmay wuxuu dhalay kacdoon dadweyne oo soo maray marxalado kala duwanaa, kaasi oo markii dambe isku beddelay dhaqdhaqaaq millatari oo shacbigu qoriga qaatay si ay si meesha looga tuuro kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre oo xasuuq naanays xun reebay ku gumaaday dadweyne aan waxba galabsan.

Dhacdooyinka arxan darrada ah ee diiwaanka caalamka galay, waxa ka mid noqday diyaaradii ka kacday Madaarka Hargeysa ee dib u duqeysay garoonkii ay ka haaday.

Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay waxa Jamhuuriyadda Somaliland ku guulaysatay dib u dhiska haykalka dawladnimo, dib u qarameyntii maleeshiyaadkii hubaysnaa iyo hawlgelinta Hay’adihii sharciga iyo Wasaaradihii Dawladda.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay heshay nabsi maalkii Soomaaliya, waxaanay si iskeed ah horusocod uga sameysay horumarkii laga hortaagnaa 31kii sannadood ee ay Soomaaliya ka tirsanayd, tusaale ahaan waxa dalka ka tisqaaday jaamacado badan oo aan hore loogu ogolayn in laga furo gobolladii Somaliland.

Waxa kaloo Somaliland horumar ka gaadhay Ganacsiga xorta ah, furfurnaanta dimuqraadiyada iyo dawladnimada hoosta laga soo bilaabay oo ay maanta tahay dalalka ugu horreeya ee mandaqada ee si xor ah oo nabdoon awooda la iskugu wareejiyo.

Wargeyska caanka ah ee The Economist oo axadha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Siyaasadda ayaa qormo dheer ka qoray toddobaadkii hore Taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay dunidda uga mudan tahay inay ku aqoonsadaan guulaha hanatay 30kii sannadood ee la soo dhaafay.

Warsidaha The Economist wuxuu sheegay in Somaliland ay xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26kii June 1960kii, waxaanu tilmaamay in maalmo kadib Baarlamaankii Somaliland ee wakhtigaasi uu qaatay go’aan madow, waxaanu Wargeysku si xeel-dheer uga warramay xasuuqii iyo dhibtii shacbiga reer Somaliland kala kulmeen taliskii Maxamed Siyaad Barre iyo xasuuqii uu ka geystay Somaliland oo lagu dilay kumanaan qof oo rayid ah.

Waxa kaloo warbixinta Wargeyskaas caalamiga ahi intaas ku dartay markii Soomaaliya ay cagta saartay dariiqa dagaalka in waxgaradka reer Somaliland ay go’aansadeen inay madax-bannaanidooda kala soo noqdaan Soomaaliya sannadkii 1991kii.

Warsiduhu wuxuu soo bandhigay in dimuqraadiyadi ka jirto Somaliland, hase ahaatee ay u xidh-xidhan tahay dal aan jirin, waxaanu xusay in Somaliland aanay dhaqaale ka amaahan karin bangiyada caalamiga ah sababo la xidhiidha aqoonsi la’aanta darteed.

Wargeyska The Economist wuxuu ku majeertay Jamhuuriyadda Somaliland inay maamusho xudduudaheeda iyo dhulkeedaba, halka Soomaaliya ay wax yar uun ka maamusho magaalo madaxdeeda Muqdisho.

Ugu dambeyn, waxa loo baahan yahay in shacbi iyo xukuumadba Somaliland sii xoojiso wadajirka iyo iskaashigooda,kana feejignaadaan xeeladaha cadowgu isku dayayo inuu ku waxyeeleeyo Somaliland. Waxa kaloo mudan inaan dib looga noqon jidka horumarka iyo dimuqraadiyadda ee aynu cagta saartay 19 sannadood ka hor xiligaas oo 15kii December 2002dii looga dareeray doorashadii u horreysay ee Goleyaasha deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here