Somaliland oo joojisay Safaradda dhallinyarda ee Maalmaha Ciida

0
362
News

Hargeysa-(Dawan) Wasaa

radda arrimaha gudaha Somaliland ayaa ka hadashay safarada dhalinyaradu u galaan gobolada kala dawan ee dalka maalmaha iida, si loo ilaaliyo ammaanka dhalinyaradaas oo dhibaatooyin naf iyo maalba lehe ka soo gaadhaan safaradaas.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ahna ku simaha wasiirka wasaaraddaas Naasir Caydiid Maxamed oo u waramaayay warbaahinta qaranka ayaa masuuliyiinta gobolada dalka iyo laamaha ammaanka ee ku sugan goobaha kaantaroolada ku wargeliyay in ay talaabo ka qaadaan dhalinyarada iyagoo aan waalidkood la socon ka gudbaaya kaantarooladaas.

Wasiir Naasir Caydiid wax kale oo uu sheegay in talaabdaas lagu joojinaayo dhalinyarada maal-maha ciida iskaga gudbaaya gobolada dalka in ay qayb ka tahay xakamaynta xannuunka Covid 19 iyo dhibaatooyinka ka iman kara dooxyada maadaama oo la galay xili roobaadkii, iyadoo ay ka dhalan karto halis caafimaad marka dhalinyaradaasi ay isugu yimaadaan meelaha xeebaha ah iyo goobaha kale ee maal-mahan oo kale loo dalxiiska tago.

Ugu dambayn wasiirk ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed wuxuu waalidiinta u soo jeediyay in ay ubadkooda ka warhayaan, goobaha ay ku sugan yihiin maal-mahan si aanay u soo foofsaarin haliso kala duwani.

Leave a Reply