Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland oo kulan la yeeshay Shirkadaha Bixiya adeegga Caymiska ee ka hawl gala dalka.

0
408

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland ayaa kulan la yeeshay shirkadaha bixiya adeegga caymiska ee ka hawl gala dalka.

Kulankaas oo ku saabsanaa wadaagidda xogaha quseeya caymiska qaranka iyo sida hay’addahaasi bulshada ugu qabtaan adeegyadaas ayaa waxa hadal ka jeediyay agaasimaha guud ee hay’adda caymiska Qaranka Somaliland Cabiraxmaan Muuse kaas oo u mahad celiyay hay’addaha ka shaqeeya adeega caymiska qaranka ee ka shaqeeya caymiska, waxaanu  intaas ku daray in kulankaas lagu lafo guray sidii ay wada shaqayn buuxdaa u dhex mari lahayd hay’addaha iyo komishanka caymiska qaranka.

Qaarn ka mida shirkadaha bixiya adeegga caymiska oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay wada shaqayn dhaw yeeshaan hay’addahaas iyo hay’adda qaranka u xilsaaran arrimaha caymiska qaranka.

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda caymiska qaranka Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)  ayaa sheegay inay xoogga saari doonaan sidii ay gacan u siin lahaayeen shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya adeega caamiska, waxaanu  xusay in xukuumaddu dhiiri gelinayso in bulshada la fahansiiyo muhiimadda uu leeyahay camisku, kaas oo cidii ku jirtaa ay kaga maarmi karaan dhibaatada ka qabsata  haddii waxyeelo  soo gaadho, ganacsigooda, guryahooda, gaadiidkood iyo hantida kale ee ay caymiska galiyaan

Leave a Reply