Wasaaradda Beeraha Somaliland oo Wadda Hawl-galo Cir Iyo Dhul ah ka dib Ayax Cusub oo Dilaacay.

0
436

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa hawl-gallo cir iyo dhul ah ku wadda Ayax tiro badan oo ka dillaacay Gobollada Galbeedka iyo bariga qaarkood.

Hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha u qaabilsan la dagaalanka Ayaxa oo adeegsanaya Gaadiid ku gaashaaman Qalabka buufinta Ayaxa iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, ayaa hawl-gal ballaadhan ka sameeyay deegaannada kala ah Balanbad iyo Cadaad oo ka tirsan Degmada Xeego, Jidhi oo ka tirsan Degmada Saylac iyo Garbo-dadar oo ku jirta deegaannada laga cabsi qabo in koronkor cusub ka dilaacdo toddobaadkan dhamaadkiisa.

Hawsha lagula dagaalamayo waxa ka qayb-qaadanaya diyaarado Helicoptero ah, kuwaasi oo u kiraysan Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.

Dhinaca kale, Hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha ee qaabilsan la dagaalanka Ayaxa, ayaa hawl ballaadhan ka wada deegaano ka mid ah Gobolka Togdheer oo Roobku si wanaagsan uga da’ay.

Ayaxa Hawl-galka lagu qaaday ayaa lagu arkay Deegaanno ka mid ah Qoyta, waxaanu ku fadhiistay dhul gaadhaya 4KM, Ayaxaas ayaa ah mid Qaan-gaadh ah.

Waxa kale oo ay Ayax ka buufiyeen illaa 165 hegter oo ku kala yaalla Deegaannada Qoyta; Jayga iyo Kabadheere ee gobolka Togdheer.

Hawl-galladan ayaa soconaya tan iyo inta laga gaadhayo hadafka laga leeyahay oo ah in dalka laga cidhib-tiro Ayaxa oo weerar ku ah dalagga Beeraha.

Leave a Reply