Warbaahinta Jabuuti oo si Weyn uga Warantay Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku Tagay Dalkaas.

0
411

Jabuuti (Dawan) Warbaahinta Dawladda Jabuuti ayaa si weyn uga warrantay socdaalka Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalkaasi ee uu kaga qaybgalayo xafladda mar kale loogu caleemo-saarayo Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qaybta Ingiriisiga ee Telefishanka Qaranka Jabuuti oo caawa si weyn uga warbixiyey socdaalka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi uu ku tagay Jabuuti, waxaanay sheegeen in Ra’iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed uu si meeqaamkeedu sareeyo madaarka Jabuuti ugu qaabilay Madaxweynaha Somaliland isla markaana ay kulan ku yeesheen qaybta VIP-da.

Telefishanka Jabuuti waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Aroorta ku biirayo madax tiro badan oo ka socota beesha caalamka oo ka qaybgalaysa caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti oo dhawaan ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay waddankaas. Telefishanku wuxuu intaas ku daray in xidhiidh saaxiibtinimo ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland

Leave a Reply