Tabbabar loo furay madaxda Heer gobol iyo Heer degmo ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka.

0
317

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, mudane Cabdirashiid Maxamed Cali Riyo-raac, ayaa maanta tabbabar u furay madaxda heer gobol iyo heer degmo ee koomiishanka doorashooyinka Qaranka.

Tababrkan ayaa ujeedadiisu ahayd barashada habka iyo hannaanka maamulka doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha degaanka iyo wakiillada, kuwaas oo loo qoondeeyay haddii ILLAAHEY yidhaaho inay dalka ka qabsoomaan 31-ka May 2021-ka.

 

Leave a Reply