Qore. Saleebaan CC (Kalshaale)
Milicsiga Sooyaalka Taariikheed ee markhaatiga ku ah dhiganeyaasha Kaydku waa mid muujinaya dariiqii dheeraa ee Jamhuuriyadda Somaliland soo martay iyo jiritaankeeda dalnimo ee madaxbanaanideeda ay u dabaal-degayso 2021 ay ku taagan tahay.
Tani waa xaqiiqo jirta oo aan cidna dafirsanayn, balse adduunku sabab la’aan uga war-wareegayo in loo ogolaado Kursigeeda Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, midowga Afrika iyo Ururrada kale ee isbahaysiyada Calaamiga ah ku dhisan.
Dib haddaynu isu xusuusino qormadeenii koowaad ee taxanaha “Dariiqii Dheeraa ee Sooyaalka Somaliland” caddadkii u dambeeyey waxa ay inoo joogtay Magacyadii ay gumaysteyaashu u kala yaqaaneen Somaliland, Soomaaliya iyo Djibouti, waxaana xusid mudan inaynu ku soo qaadanay Taariikh ku saabsan ka hor wakhtigii duulaanka gumaysiga, taasoo haddii aynu dib ugu yara laabano aynu mar kale is xasuusinayno inay Ilbaxnimadii Giriigu markii ay gobolka timi u taqaanay Berbera oo ah halka uu ka soo jeedo magaca Magaalada Berbera.
Sidoo kale Qarnigii ay Diinta Islaamku soo gaadhay waxa loo yaqaanay Dhulkii Saylac, sanadkan 2021 oo aynu u dabaal-degayno sanad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay markii aynu madaxbanaanideena la soo noqoyna waxa loo yaqaanaa Somaliland oo ah magacii ay gobonimada kaga qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 1960-kii, kaddib qarni ku dhawaad uu ka jiray maamul maxbiyaddeed oo hoos-tegi jiray Boqorada Ingiriiska.
Tilmaan ahaan, Somaliland waxa ay ku taalla Geeska Afrika, waxaanay dhinaca Waqooyi Galbeed deris kala tahay Dalka Djibouti oo Dalka Faransiiska Xoriyada ka qaadatay sanadkii 1977. Galbeedka waxa ka xiga Dalka Itoobiya oo gobollo kamida ay Soomaali degen tahay, dhinaca Bari iyo Koonfur-berina waxa ay deris kala tahay Soomaaliya oo muddo ku siman soddon sannadood israac-maamul dhex maray markii ay labadooduba xornimada ka qaateen Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Sidoo kale, Somaliland waxa ay ku dhererantahay oo ay dhacdaa dhinaca Koonfureed ee Gacanka Cadmeed ee isku-xidha Badda Cas iyo Arabian Sea (Bab-el-Mandeb), waxaanay leedahay door muhiima oo la xidhiidha isu-socodka Ganacsiga caalamka.
Kaddib, socdaalo galaangal iyo sahan ah soo noqnoqday oo ay khubarro ka socda Dalka Ingiriisku dhulka Somaliland ku yimaadeen, iyagoo doonaya inay xidhiidh la sameeyaan bulshada ku dhaqan degelkan, sanadkii 1887-kii ayuu heshiiskii ugu horeeyey ee rasmi ahi dhex maray Dawladda Ingiriiska iyo Odayaashii Somaliland ee xilligaasi Shacbiga hogaaminayey.
Heshiiskaasi oo ahaa Albaabkii sida rasmiga ah ugu ogolaaday Maxbiyada Ingiriiska inay maamusho dhulka Somaliland, loona yaqaano heshiiskii hargaha amma Saanta oo ka koobnaa ilaa shan qodob, waxa qodobadiisa ugu muhiimsanaa, in joogitaanka maamulka Ingiriisku uu noqdo mid aan waxba u dhimaynin, wax ka bedelaynin, ku-xad-gudbaynin, faro-gelin ku samaynaynin, Dhulka, Diinta iyo Dhaqanka Bulshada Somaliland. waxa kale oo kamid ahaa in Maraakiibta Ganacsiga ee Ingiriisku ay ka ganacsan karaan Xeebaha Somaliland, in aanay Dawladda Ingiriisku heshiis la geli karin dal kale oo ay wax ka wadaajinayso danaha ay Somaliland ka leedahay.
Qodobada Heshiiskaas waxa kale oo kamid ahaa in aan xeebaha Somaliland la soo marin karin daabulka dadk Adoonsiga loo wado iyo inay Boqortooyada Ingiriisku Wakiil u soo magacaaban karto Somaliland, Wakiilkaasoo loolla dhaqmi doono si xushmad leh. sidoo kale heshiiskaasi wuxuu xaddidayey is-dhexgalka iyo isku-milanka Shacbiga Somaliland iyo dadka Ingiriisku keensanayo Dalka.
Heshiiskan oo ahaa mid taariikhi ah, muujinayana mabda’ adayga iyo foojignaanta Bulshada Somaliland, isla markaana dabar u ahaa inuu gumaystuhu ku takri-falo amma uu sida uu doono ka yeello dadka iyo Dalka Somaliland, ayaa ku suntan heshiiskii u horeeyey ee noociisu ka dhaco gobolka ee ay dad Soomaaliyeed la galaan mid kamida saddexdii Dawladdood ee qaybsaday Dhulka Soomaalidu degto, taasoo aanay Soomaalidii kale ee degenayd Soomaaliya iyo Djibouti la gelin Faransiiska iyo Talyaaniga oo iyagu si dhab ah u gumaystay labada dal.
Geesta kale, Inkasta oo ay Odayaashii reer Somaliland Heshiiskan naadirka ah la galeen Maamulka Ingiriiska, iyagoo uga dan lahaa inuu xakame u noqdo danaha laba geesoodka ah, haddana waxa xaqiiqo kale oo jirtay ahayd in aanay Dadka Somaliland ku faraxsanayn amma aanay soo dhaweynin imaanshiyaha gumaystaha reer Yurub ilaa la gaadhay wakhti dambe oo laysa-seegay, isla markaana uu bilaabmay dhaqdhaqaaq xornimo-doon oo gilgilay labada dhinacba.
Wakhtiga uu dhaqdhaqaaqa xornimo-doonku bilaabmay, waxa uu ku beegnaa laba sannadood uun kaddib markii Heshiiska Saamuhu dhacay, waxaase ka horeeyey xilli ay dadka reer Somaliland u nuglaadeen maamulka Ingiriiska, kaasoo ku beegnaa millaygii qaybsiga Qaarada Afrika oo ay Somaliland ku jirtay 1884-kii, markaasoo sida taariikhda ku cad uu guluf ku soo qaaday Ingiriisku dhulka Somaliland, isagoo cadaadis saaray Shacabka, kuna khasbay inay Dawladda u shaqeeyaan, hase yeeshee taasi ma noqon xaalad sii raagtay, waxaana bedelay Heshiiska ku taariikhaysan 1887-kii ee Saamaha.
Diidmadii Maxbiyada Ingiriiska ee Dadka reer Somaliland, waxa ay soo dedejisay bilowga halgankii lagaga soo horjeeday. sanadkii 1899-kii oo ku beegnayd laba sanno kaddib heshiiskii Odayaasha Somaliland iyo Ingiriiska, waxa bilaabmay dhaqdhaqaaq xornimo-doon oo waji-gabax iyo laf-dhuun gashay ku noqday Boqortooyada Biritan.
Tani waxa ay ahayd waji kale oo u furmay yuhuuntii iyo dareenkii Bulshada Somaliland. waxa uu ahaa Waa cusub oo ay bilashadiisu abuurtay halgan iyo hayaan hor leh oo ay ku gedaamnaayeen caqabado kala duwan iyo quwad ka turuq iyo xeellad badnayd oo ah Dawladii Ingiriiska, waxaana hubaal noqotay in si kasta oo loo kala tamar badnaa haddana laysugu babac dhigay guluf colaadeed Kac iyo kici maayo ahayd, kaasoo dhex maray xoogaggii Daraawiishta ee uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdile Xasan iyo Ciidamadii Ingiriiska.
Marka laga yimaado, Hogaamiyihii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan, Mujaahidiintii reer Somaliland ee halganka xornimo-doonka calanka u qaaday waxa kamid ahaa Sheikh Bashiir, Faarax Omaar iyo Halgameyaal kale oo isugu jiray Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Abwaanno iyo qaybaha kale ee Bulshada.
Sanadkii 1921-kii ayey Milaterigii Ingiriisku ka itaal roonaadeen Xooggaggii Sayidka, mase ahayn taasi dhamaadkii dhaqdhaqaaqa Halganka oo ahaa mid wakhtigaasi si weyn uga hirgalay Dhulka Somaliland oo dhan, iyadoo uu sii xogaystay dhamaadkii dagaalkii labaad ee Adduunka.
Dhaqdhaqaaqa xornimo-doonku wuxuu ahaa mid loo isticmaalayey wax kasta oo lagula dagaalami karo Dawladdii quwad lahayd ee Ingiriiska. waxa loo adeegsaday Af iyo Addin hadba kii macquul ah, iyadoo uu taa cakiskeeda Ingiriisku sameeyey wax kasta oo uu ku baajin karo awoodda shacab ee gadoodsan. waxyaabaha uu adeegsaday waxa kamid ahayd inuu kala qaybiyo Bulshada, inuu qabaa’ilka qaar heshiisyo gaar ula galo iyo inuu sameeyo hogaamiyeyaal maamulkiisa ka mushahar qaata oo dadka manjaro-habaabiya amma si uun u doc-wareema xarakaadka xornimo-doonka.
Si kasta oo uu xeeladdo u isticmaalay Ingiriisku, isku-day kasta oo uu sameeyey si uu wakhti dheer u sii haysto Somaliland iyo ficil kasta oo ay sameeyeen kooxihii gobanimo-doonka Somaliland, Bishii May ee sanadkii 1960-kii ayaa waxa uu Xoghayihii Dawladda Ingiriiska u qaabilsanaa Maxbiyadda Somaliland Ey Macline ku dhawaaqay inay Dawladdiisu xornimada siin doonto Somaliland.
Dhawaaqaasi wuxuu ahaa mid markii dhegaha Bulshada Somaliland uu soo gaadhay niyad-wanaag iyo farxad lagu soo dhaweeyey, waxaanu soo baxay maalmo ay kulamo uga socdeen Magaalada London Madaxda Dawladda Ingiriiska iyo Wefti ka socday Somaliland.
Waxaase xusid iyo xigmad mudan dareenkii xilligaasi ee ku dhisnaa waddaniyada, badheedhaha iyo doonista shacabka ee hal-abuurka Somaliland.
Waxaanu Cabdilaahi Suldaan Timo-cade oo kamid ahaa Suugaanyahannadii sida cad uga dhiidhiyey joogitaanka Gumaystuhu ku yidhi mid kamida Gabayadiisa:
Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda
gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay
hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane
garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
geeraarradeedii hashaan annigu googooyey
galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey
gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay
goobtuu sidkeedii go’ay galabtii foolqaaday
ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey
Inaan Garayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.
La soco qaybta 3aad iyo Cadadka soo socda…
Qore. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Email: curad1986@hotmail.com