Madaxweynaha oo Ka Hadlay Safarkii Jabuuti

0
397

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qayb ka ahaa wufuud caalami ah oo daafaha dunida isaga timi ka qaybgalay caleemo-saarka madaxweynaha dalka Jabuuti.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa marku dalka Jabuuti gaadhay waxa madaarka si meeqaamkeedu sareeyo ugu soo dhaweeyey  raysalwasaaraha dalkaasi Cabdiqaadir Kaamil Maxamed kaasi kulan kula qaatay qaybta VIP-da.

 

Madaxweyne Biixi oo fariin qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa dawladda shacabka Jabuuti uga mahadnaqay habmaamuskii ay kusoo dhaweeyeen

“Waxa aan si kal iyo laab ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti , Mudane Ismaaciil Cumar Geelle munaasibadda caleemo saarkiisa , waxa aan jeclaan lahaa in aan u mahadceliyo dawladda iyo shacabka Jabuuti sidii diiranayd ee ay isoo dhaweeyeen booqashadaydii Jabuuti” ayuu yidhi

Madaxweynaha ayaa lagu maamuusay heer diblo-maasiyadeed oo la mida madaxdii kale ee munaasibadaas lagu  casuumay taasi oo cadowga JSL ku noqotay tumaati siyaasadeed oo aanay filaynaynin.

 

Madaxweynuhu into ku sugnaa dalka Jabuuti waxa uu  kulanno gooni gooni ah la yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxdii kale ee xafladaas goobjooga ka ahaa oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha Kenya,  Guinea Conakry, Uhuru Kenyatta iyo Alpha Condé iyo Ra’iisul-waasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ruwanda.

 

 

 

 

Leave a Reply