“Qarankayga ayaa ii Hiiliyay” Garsoore Mahdi Jawaase

0
563

Garsoore Mahdi Maxamed Xasan (Mahdi Jawaase), ayaa sheegay in ay dhammaatay cabashadii uu ka qabay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo uu cadaalad darro ka tirsanaayey.

 

Mahdi Jawaase ayaa todobaadka madal fagaare ah ka sheegay in wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ay kula kacday fal aan jeclaysan oo lagu duudsiiyey xuquuqdiisa ka dib markii laga reebay liiska shaqaalaha rasmiga ah.

 

Garsoore Mahdi Jawaase oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu noqday shaqaalaha rasmiiga ah ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ka dib muddo sannado ah oo kula shaqaynaayey si mutadawacnimo ah.

 

“Waxa Ilahay Mahadii ah inaan maanta ahay shaqaale rasmi ah, Qarankayga ayaa ii hiiliyay waanan u mahadcelinayaa Madaxda dawladda , bahda Ciyaaraha , warbaahinta iyo  cidkasta oo i garab istaagtay ” ayuu yidhi

 

Bulshada Somaliland ayaa si adag uga falcelisay dareenka garsoore Mahdi Jawaase kuwaasi oo xukuumadda ugu baaqay in arrintiisa hoos loo eego oo la baadho , waxaanay falcelintu keentay in maanta uu noqdo shaqaale rasmiya oo markii hore wax isdaba marin lagu sameeyey .

Leave a Reply