“Waa in la hubiyaan Cuntada, Dawada iyo Shidaalka Dalka Soo galaya “ Wasiir Gaafaadhi

0
719

Hargeysa (Dawan)Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa soo kormeeray Xarunta Laabka taayada Qaranka ee laga hirgaliyay Magaalada Berbera.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa waxa uu Sheegay in aanay jirin wax aan u baahnan in la hubiyo,isla,markaana loo baahanyahay in Laababka Tayadu shaqeeyaan si ay u hubiyaan Cuntooyinka Dawooyinka iyo Shiidaalka dalka soo galaya.

“Xaqiiqada waxa weeye wax aan u baahnan in layska eego oo layska hubiyo majirto waxaana ugu sii badan waa Cuntada iyo Dawada,Shiidaalka waa mid u baahan in layska hubiyo waxaana mudan in ay shaqeeyaan Laabab kani,”.  Ayuu yidhi

 

Guddoomiyaha Hay,ada Dhawrista Tayada Somaliland Muuse Xasan Xaaji Maxamuud ayaa waxa uu Sheegay in ay u xil saaranyihiin ilaalinta agabka tayada dalka soo galaya in ay baadhaan.Waxaana uu yidhi”Waxa ay soo booqdeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Laabka Qaranka ee Tayada Shiidaalka iyo laababkii kale ee dhismahooda hada dhammaaday ee qalabayntii usoo socoto ee lagu baadhi doono Dawooyinka iyo Raashinka,waxaana aanu qayb wayn ka nahay sidii loo ilaalin lahaa agabka tayada dalka soo galaya.waxaana aanu rajaynayaa in labada bilood ee soo socda in la keeni doono qalabkii lagu baadhayay tayada Cuntada,”

 

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Nicolas Berlanga oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu ku amaanay Xukuumadda Somaliland hirgalinta laabka tayada ee Qaranka.

Leave a Reply