Wasaaradda Caafimaadka oo Wadda Dadaal Wax Lagaga Qabanaayo Xanuunka Dhimirka

0
406

Boorama-(Dawan)-Tababorkan oo ay qaadanayaan dhakhaatiirta ka hawl’gasha cisbitaallada lagu daweeyo bukaannada dhimirka ayaa socon doona muddo shan cisho ah, waxaana iska kaashaday wasaaradda horumarinta caafimaadka, kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Cammuud iyo hay’adda SSRA oo fadhigeedu yahay dalka Iswidhan.

 

Dr Yacquub Aadan oo ka socday hay’adda  SSRA, ayaa sheegay in wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo hay’addaha ku lugta leh dawaynta maanka ay kala shaqaynayaan sidii loo daryeeli lahaa buktada qaba xanuunka dhimirka, isagoo ku dhiiri’geliyay dhakhaatiirta ka faa’ideysanaysa tabobarkaasi inay bartaas ka sii wadaan culuumta dhimirka isla markaana dadkooda ay ugu shaqeeyaan.

 

Madaxa xarumaha caafimaadka aasaasiga ah ee gobolka Awdal Dr Farxaan Cabdisamad Cismaan, hormuudka kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Cammuud Dr Siciid Axmed Walhad iyo Liibaan Axmed Xirsi oo ka socday wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Awdal oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay ka faa’ideystayaasha tabobarkaasi in ay aqoonta ay faa’ideystaan ay ku badbaadiyaan walaalahooda dhimirka ka xanuunsanaya ee dayacan, waxaana ay sheegeen inay ku hanwayn yihiin in barnaamijkaasi la wada gaadhsiiyo dhammaan deegaannada Somaliland.

 

Isu duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Awdal Dr Mustage Muumin Muuse, waxaana uu sheegay in aad ugu faraxsan yahay inuu qayb ka noqdo dedaallada la doonaayo in wax lagaga qabto dadka dhimirka ka xanuunsan ee ku nool Somaliland, waxaana uu bulshda ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u caawin lahaayeen bulshada xanuunnada dhimirka qabta ee ku nool deegaannada Somaliland.

 

Leave a Reply