Wasiirka Arrimaha gudaha oo hambalyo iyo dardaaran u jeediyey Shacabka iyo Ciidamada kala duwan xuska 18 May

0
394
Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Hambalyo u diray Shacbiga Somaliland, Ciidamada kala duwan ee Qalabka sida, Madaxda Asxaabta qaranka iyo guud ahaan muwaadiniinta reer Somalilnad Munaasibada xuska sanad-guurrada 30-aad ee gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan maalinta Berri ah ee 18 May oo guud ahaan dalka looga dabaal-degayo.
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo goordhaweyd soo saaray dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan xuska sanadd-guurada 30-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland la soo noqotay xornimadeeda 1991-kii, ayaa sidoo kale farriin la xidhiidha adkaynta nabad-gelyada u diray Ciidamada ammniga iyo Shacbiga isagoo dhinaca kalena u rajeeyey qaranka Somaliland guul iyo Ictiraaf caalami ah.
Waxaana uu u dhignaa Warsaxaafadeedku sidan:
“Iyadoo ay maalinta beri ah ee 18-ka May 2021 ku beegan tahay xuska sanad-guurradii 30aad ee ka soo wareegtay markii aynu dib ula soo noqonay Xornimadeena iyo qaranimadeena, halgan dheer oo dhiig iyo dhaqaaleba inaggaga baxay kaddib, Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye-ba, waxa aan hambalyo u dirayaa Ciidamada qalabka sida iyo Xaasaskooda iyo Carruurtooda, madaxda kala duwan ee Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu, Madaxda Axsaabta Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland ee dalka gudihiisa iyo daafaha caalamka kala joogga oo aan ku hambalyeynayo dabaal degga maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee sanadka 2021.
Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa Shuhahadii SNM wixii ka nool iyo qoysaskooda, sidoo kalena waxaan alle naxariis u waydiinayaa intii ku shihiiday Halgankii xoreynta, dib-u-dhiska iyo difaaca Dalka ee aynu dhiigoodii iyo tacabkoodii ku soo gaadhnay halka aynu maanta marayno ee nabadda, Dawladnimada iyo horumarka ah.
Waxa kale oo aan si gaar ah u hambalyeynayaa Ciidanka Milateriga ee difaaca dalka hadh iyo habeen heeganka ugu jira, Ciidanka Amniga ee gudaha, Booliska, Socdaalka iyo laamaha kale ee Ciidamada oo dhan, kuwaasoo aan alle uga baryayo inuu ka abaal-mariyo shaqada culus ee ay qaranka u hayaan, kuna boorinayo inay halkaasi ka sii wadaan waajibaadkooda, isla markaana maalmaha dabaal-degga foojignaan dheeraad ah muujiyaan.
Shacbi weynaha Somaliland waxaan ku adkaynayaa inay si buuxda uga qayb-qaataan ilaalinta nabad-gelyada, midnimada iyo wada-jirka qarannimadeena oo ay la shaqeeyaan maalmaha dabaal-degga Ciidamada Amniga.
Somaliland, waxa ay gaadhay soddonkaasi sannadood ee ay jirtay guul iyo horumar aan caad iyo hadh toona qarin karin, Dawladnimo buuxda oo adduunku ku majeertay daah-furnaan iyo dimuquraadiyada iyo horumar dhaqaale xawli ku socda.
Sidaasi awgeed, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa aan u rajjeynayaa guul, horumar, barwaaqo iyo Ictiraaf caalami ah inuu alle inagu gaadhsiiyo sanadka sanadkiisa kale iyo kuwa soo socdaba.
Guul Somaliland Guul Somaliland
Allaah Mahad Leh
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha JSL
Maxamed Kaahin Axmed

Leave a Reply