Magaaladda Minayaabululis ee Dalka Maraykanka oo si Wayn looga xusay xuska Maalinta  Qaran ee 18-ka May

0
414

Hargeysa (Dawan) Magaalada Minayaabulis, ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa lagu qabtay munaasibad ay jaaliyada reer Somaliland ee dalkaasi ku nooli ay ku xusayeen, 30-sano guuraddii ka soo wareegtay xuska maalinta Qaran ee 18-ka May.

Mid ka mida dadkii goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland tahay shamac ka dhex ifaya mandaqad colaado hadheeyeen.“Madashani waa madal ka duwan madalihii hore, waa madal Qaran sodon jirsaday sannad guuradiisii loogu dabaal degayo, waa madal Qaran mandaqad wax badani ka dhacayaan noqday shamac ka soo dhex iftiimay”

“Somaliland waxaa ay u socota in ay noqoto mid ka mida tiirarka Geeska Afrika waliba kuwooda ugu adage e ay ku tiirsan yihiin, guud ahaan bulshada Soomaaliyeed,”Ayuu yidhi mid ka mida bulshadii u dabaal degaysay 30-guurada Qaranimda Somaliland ee Miniyaabulis.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply