Munaasibada xuska 30-aad ee 18-ka May ayaa si Mug iyo Miisaanle looga Xusay Qaar ka mida Gobollada Dalka Somaliland

0
362

Laascaanood (Dawan) Munaasibada 30 guurada xuska maalinta Qaran ee 18-ka May ayaa laga xusay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana ka qayb galay maamulka gobolka Sool, iyo bulshada qaybaheeda kala  duwan.

Xuska munaasibadan waxaa hadalo ka jeediyay, odayaasha, waxgaradka, waayeelka iyo sulaadiinta gobolkaasi, waxaanay bulshada ku waaniyeen inay ilaashadaan xasiloonida, iyo wada jirka maaddama Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ay sodon sano jirsatay.

Sidoo kale waxaa ay xuseen in Somaliland uu ka tisqaaday horumar dhinacyo badan taabanaya, waaanay bulshada ugu hanbalyeeyeen xuska munaasibada 18-ka May.

Taliyaha aaga bari ee ciidanka Qaranka Somaliland sarreeyo guuto Cali Barre Xuseen iyo taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed Cabdillaahi Cabdi, ayaa iyaguna waxaa ay ku boggaadiyeen gud ahaan ciidamada kala duwan ee gobolkaasi xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, waxaanay ku ammaaneen ciidanka sida ay markasta hegaanka ugu yihiin ilaalinta nabada iyo difaaca Qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Sool, mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa bulshada ku nool gobolka Sool iyo degmada Laascaanood u diray hanbalyo la xidhiidha xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, iyaga oo ugu baaqay in ay si wada jira uga wada shaqeeyaan horumarka Somaliland.

Geesta kalena xuska soddon guurada Qaran ee 18-ka May ayaa laga xusay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, iyada oo xuska maalintan ay bulshadaasi kala qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Isu duwaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee gobolka Awdal Marwo Farduus Sheekh Siciid iyo guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka ee NOW, ee gobolkaasi Marwo Safiya Hufane ayaa shacabka gobolka Awdal ku boggaadiyay isla markaana ku ammaanay sida ay u weyneeyeen xuska munaasibada 18-ka may.

Guddoomiyaha gobolka Awdal iyo duqa degmada Borama ayaa bulshaweynta gobolka Awdal ayaa ku boggaadiyay sida maalinta Qaranimada Somaliland ee 30 jirsatay ay u xuseen.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Badde ayaa sheegay in Somaliland muddada sodonka sano ah ay gaadhay horumar la taaban karo, taasi oo ay saldhig u tahay nabadgelyadu, isaga oo intaas raaciyay in Somaliland ay ku naalooneyso horumar iyo doorashooyin ku dhaca si xor iyo xallaal ah.

 

Leave a Reply