Jaaliyadda Kenya oo Xaflad Balladhan ku Muuneeyey 30 Guurada Madax-bannaanida Somaliland

0
397

Nairobi-(Dawan)- Jaaliyadda Somaliland ee waddanka Kenya, ayaa  magaalada Nairobi xalay si weyn u ugu xusay sannad guurada 30aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.

 

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Ku-xigeenkiisa Sharma-arke Geelle ayaa ka warramay xuskan iyo muhiimadiisa, waxaanay uga mahadceliyey jaaliyadda reer Somaliland sida ay mar walba u weyneeyaan maalmaha qaranka Somaliland sida 18ka May iyo 26ka June. Waxana ay sheegeen in Somaliland soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay horumar weyn ka sameysay dhinaca dawladnimada iyo dib u dhiska dalka.

 

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaas Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, oo xafladaas ka hadlay ayaa jaaliyadda reer Somaliland ee Kenya gaadhsiiyey salaan  iyo farriin uu uga siday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu uga xog-warramay xaaladda dalka oo uu tilmaamay inay Somaliland ku naaloonayso nabadgelyo iyo xasilooni.

 

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibaddu waxa uu intaas ku daray in 31ka Bishan May ay Somaliland galayso doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo dawladaha hoose ee dalka oo uu tilmaamay inay sii xoojinayaan  qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland

 

Leave a Reply