Warsidaha The World oo Warbixin ka Qoray 30 Guurada ka soo Wareegtay Madax-bannaanida Somaliland

0
473

Hargeysa-(Dawan)- Idaacadda Maraykanka ku taalla ee The World, ayaa warbixin ka qortay 30 guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland oo dalka si weyn looga xusay 18kii bishan May, waxaanay idaacaddu ka warrantay guulaha ay Somaliland ka gaadhay xaga dawladnimada iyo dimuqraadiyadda.

Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta The World ka diyaariyey Jamhuuriyadda Somaliland ee ku wajahnayd sidii xamaasadaha lahayd ee reer Somaliland ugu dabaal-degeen muunaynta 30 guurada ka soo wareegtay Qaranimadooda. Waxa kaloo warsiduhu tilmaamay  in kumanaan dhallinyaro ah ay boggaga baraha bulshada ku baahiyeen taageerada ay u hayaan calankooda iyo qaddiyadda Qaranimada Somaliland.

Agaasimaha Xarunta dhaqanka Hargeysa, Jaamac Muuse Jaamac ayaa Idaacadda The World u sheegay in da’yarta Somaliland ay ku dhasheen kuna dhaataan Somaliland oo kaliya. Waxa kaloo Jaamac Muuse uu nasiib darro ku timaamay in aanu wali caalamku aqoonsan Somaliland oo wax badan qabsatay kaligeed iyadoo aan taageero ka helin adduunka soddonkii sannadood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale, Ismaaciil Shirwac oo ah diblomaasi ka tirsan xafiiska Somaliland ku leeyahay Kenya, ayaa sheegay  inay Somaliland ay xidhiidh diblomaasiyadeed la leedahay dalal badan oo caalamka ku yaalla. Waxa kaloo uu ku dooday in aanay shacbiga Somaliland mar kale la soo marinaynin midow dambe oo ay la galaan Soomaaliya.

Ismaaciil Shirwac  wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku raad joogto sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalamiya, islamarkaana ay ka go’an tahay inay sii xoojiso dawladnimadeeda iyo hannaankeeda dimuqraadiyadda.

The World wuxuu sheegay in Somaliland oo aan wali aqoonsi ka helin caalamku ay haddana ku guulaysatay dawladnimo, xasilooni iyo dimuqraadiyad.

Leave a Reply