Madaxweyne ku xigeenka JSL iyo wefti uu Hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay deegaano ka tirsan Gobolka Awda

0
490

Hargeysa-(Dawan) Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo ayaa Galabta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaanada Qul ujeed, Boon iyo Gargoorey ee Gobolka Awdal.

Madaxweyne ku xigeenka safarkan waxa ku wehelinaya Wasiirrada Gaashaan dhiga, Ganacsiga, Caafimaadka iyo Beeraha, iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo la hadlay Shacabka ku dhaqan deegaamada Qul u jeed , Boon iyo Gargoorey ayaa sheegay inay u socdaan sidii ay bulshadda gobolka ugu dhiirigelin lahaayeen inay si nabad galyo leh uga qayb qaataan doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilladda iyo deegaanka waxaanu ku adkeeyay in qof kastaa isagoo xor u ah cida uu dooranayo uu dhanka kale ka shaqeeyo xoojinta nabdgalyadda.

Waxaa kale oo hadalo dardaaran ah halkaas ka soo jeediyey Wasiirrada Gaashaan dhiga, Ganacsiga, Caafimaadka iyo Beeraha.

Sidoo kale, Weftiga Madaxweyne ku xigeenku waxay kulamo kala duwan la qaateen Maamulada, Gudiyada nabadgelyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku booriyeen inay ka shaqeeyaan sidii ay doorashadu si nabadgalyo ah inoogu dhici lahayd.

Leave a Reply