Codkiina ugu Hagar Baxa Murrashax Kayse Xasan Fidhin

0
1056

Qore : Maxamed Cabdillaahi Cumar

Hargeysa (Dawan) Eng. Kayse Xasan Fidhin oo ka mid ah Murrashaxiinta xisbul-xaakimka KULMIYE u soo sharraxay Golaha Deegaanka Hargeysa wuxuu leeyahay khibrad iyo waayo-aragno dheer oo Dawladda Hoose ah oo uu ka soo shaqeynayey muddo ka badan 28-kii Sannadood ee u dambeeyey.

Eng. Kayse Xasan wuxuu ahaa xirfadle muddo siddeed sanno ah madax ka ahaa qaybta Waddooyinka Caasimadda oo uu haystay xiligii Maayar Jiciir, wuxuu xiligaas ka qayb ahaa dhismaha dhawr iyo Soddon Waddo oo iskugu jiray dayactirka jidadkii hore iyo kuwo cusub oo lagu soo kordhiyey caasimadda Hargeysa.

Eng. Kayse Xasan Fidhin wuxuu ahaa mid ka mid ah muhindisiintii Dawladda Hoose ee u tafo-xaytay  horumarinta jidadka Hargeysa, isagoo uu ku hoggaamiyey aaminnimo iyo daacadnimo.

Kayse Xasan oo maanka ku haya isbedelka ay Caasimadda Hargwysa u baahan tahay, wuxuu u soo istaagay  inuu kaalin ka haysto fikir iyo muruqba noca isbeddel ee  ay Hargeysi u baahan tahay waxaanu ka codsaday dadweynaha Hargeysa inay codkooda siiyaan, isagoo  balanqaaday inuu ka shaqeyn doono Danaha iyo baahiyaha shacbiga Caasimadda.

Astaanta murashax Kayse Xasan waa 211 ee muwaadin ku Hagen maayee adiguna codkaaga ugu hagar-bax.

Codkiina ugu Hagar Baxa Murrashax Kayse Xasan Fidhin

Leave a Reply