Jamaahiirta taageerada xoogan u haya Xisbiga Kulmiye oo Caawa Wacdaro ka dhigay magaalada Berbera oo Madaxweynuhu ku sugan yahay

0
332

Berbera-(Dawan)-Dadweynaha Gobolka Saaxil ayaa mar kale muujiyey taageeradda baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE oo maalintiisa koowaad ee ololihiisa doorashada isku-sidkan ee Wakiillada iyo Golayaasha Degaannada ee 31ka May ka sameeyey maanta.

Ololaha xisbiga KULMIYE ee Saaxil waxa Caawa kala qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah hoggaanka kale ee xisbiga, waxaanay shacabka magaalada Berbera soo bandhigeen dhoolla-tus ballaadhan oo ay ku soo bandhigeen fagaaraha khayriyada ee magaaladaasi , halkaas kumanaan ka mid ah taageerayaasha kala duwan ee xisbiga KULMIYE ay madaxweynaha ku qaabileen gudaha magaalada Berbera markii uu Galabta gaadhay , iyagoo kadibna u galbiyey dhinaca fagaaraha khayriyada oo ahayd goobtii loogu talogalay in lagala hadlo taageerayaasha.

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka, Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir(Cukuse), Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo duqa magaalada Berbera oo ugu horrayn taageerayaasha KULMIYE fagaarahaa kala hadlay, ayaa u mahadnaqay kumannaanka taageere ee xisbiga ee cududdooda soo bandhigay.

Madaxweynaha JSL ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse biixi Cabdi ayaa sheegay inuu KULMIYE caan ku yahay guusha, horena uu tartannada siyaasadda guulo isdaba-joog ah kasoo hoyn jirey, doorashadanna laga filayo inuu wacdaro kale ka dhigo,

Madaxweyne Biixi wuxuu Shacabka Gobolka Saaxil ka dalbaday inay codkooda siiyaan Murashixiinta Xisbiga Kulmiye ee doorashooyinka isku sidkan.

Leave a Reply