Golaha Guurtidda oo Waysada u Biyaystay ku wacyigelinta Nabadgelyada ee arrimaha Doorashooyinka gobollada Galbeedka Somaliland

0
319

Hargeysa (Dawan) Wefti xildhibaano ah oo  ka tirsan golaha guurtidda Somaliland oo uu hoggaaminayo, guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golahaasi mudane Siciid Cabdillaahi Yasir, ayaa safar adkaynta nabadgelyada xilliyada doorashooyinka ugu baxay gobollada galbeedka Somaliland ee uu xudunta u yahay gobolka Awdal.

Inkasta oo waajibaadka golaha guurtida loo sameeyay ay tahay ilaalinta nabadgelyada ayaa mudanayaashani iyaga oo arrintaasi ka duulaya waxaa ay uguntadeen sidii ay bulshada gobollada galbeedka Somaliland, ay degmo degmo ugu wacyigelin lahaayeen adkeynta nabadgelyada xilliga doorashada iyo sidii bulshada loogu baraarujin lahaa.

 

Mudanayaashan  ayaa goobaha ay ku horumareen ee ay sida weyn ugu wacyigeliyeen adkaynta nabadgeylyada ee xilliga doorashada waxa ka mid ahaa gobolka Gabiley, intaas kadib waxaa ay ugu gudbeen gobolka Awdal iyo degaanada hoos yimaada, iyaga oo kulamo gooni gooni ah la qaatay maamulka heer gobol iyo maamulka heer degmo, hoggaanka nabadgelyada, cuqaasha, madaxda dhaqanka iyo waxgarka, isla markaana ku booriyay sidii ay kaalin mihiima uga qaadan lahaayeen ilaalinta nabadgelyada ee wakhtiga doorashada.

waxa maamulka gobolka awdal uga warbixiyay gudoomiyaha waftigan mudane siciid cabdilaahi yaris intaasi kadib waxa iyagu hadalka qaatay gudoomiyaha Gobolka Awdal oo sheegay inay heegan ugu jiraan sidii ay nabad-galyada u sugu lahaayeen

taliyaha qaybta booliska Gobolka Awdal Cabdi Khadar Dugsiiye iyo xubno ka mid ah Cuqaasha Gobolka Awdal ayaa Mudanayaasha Golaha Guurtida Uga mahad celiyay sida ay waajibaadkooda u gudanayaan sheegayna in ay ka go,an tahay adkaynta nadad-galyada xiliga doorashada

guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland mudane Siciid Cabdillaahi Yasir, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkoodu waxaa uu salka ku hayay. “Arrintani waa mid caado u ahaan jirtay golaha guurtidda marka arrimaha doorashooyinku ay dhacayaan, in ay fadhiga uga kacaan sidii ay dadka wacyigelin ugu sameyn lahaayeen, isla markaana ay bulshada ka dhaadhicin lahaayeen nabadgelyadu waxaa ay tahay, deganaanshiyaha iyo wada noolanshiyaha ummada, annaga weftigayan waxaa hoggaaminaya aniga oo ah guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtidda.

Haddii aad tihiin maamulka gobolka Awdal idinka ayaa og xaalada nabadgelyo ee gobolka, sidoo kale waxaa dalka ka jirta doorasho, xisbiyaysan, qabiilaysan tiradu ay badan tahay, loolamaysa, arrintan aynu maanta ku jirnaana waxaa ay u baahan tahay dedaal deganaan, iyo in laga hortago wax allaale iyo wixii aynu is leenahay waa ay iman karaan.

Annaga waxaa aanu idiinku nimid in aanu idin nidhaahno waar ka kacaay, waar baraarugaay, guurtida, nabada, diinta iyo deganaanshiyuhu waa waxa ugu horreeya, had iyo gooraalena ay tahay uun in ay ummada wacyigeliyaan”

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Buddeeye kana mida mudanayaasha golaha guurtida ay ka hadlay sida loogu baahan yahay in nabadgelyo lagu wada codeeyo waxaanu yidhi.“Marka ugu horeysa waddanka waa nabadgelyo, waxaa aanu idiinku nimid in aanu ka hortag sameyso, fariinta aanu diraynaana ay tahay haddii ay xildhibaano tahay, haddii ay cuqaal tahay iyo haddii ay madax tahayba in dadku nabadgelyo ku codeeyaan”

Guddoomiyaha gobolka Awdal, mudane Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro, ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee weftiga golaha guurtidu u socdeen ay tahay sidii ay bulshada ugu wacyigelin lahaayeen in ay nabadgelyo ku codeeyaan. “Waxaa inoo yimid wefti ka socda golaha guurtida, idinkuna waxa aad tihiin golihii dhaqanka, marka la yidhaaho arrimo nabadgelyana cidda ay aadka u khuseysa waa labadiina, maadama ay u socdeen hawlo wacyigelineed bal in ay xaalada nabadgelyadana soo eegaan, wacyigelina soo sameeyaan dadka wixii ay wax u sheegi karayaana u sheegaan, sidii ay dadku nabadgelyo ugu coddeyn lahaayeen”

Leave a Reply