Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar ku saabsan Dacwadaha ka yimaada doorashooyinka u furay Guddoomiyayaasha…

0
381

Hargeysa (Dawan) -Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay weheliyaan garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare, Sharmaake Yuusuf Faarax agaasimaha Maxkamadaha guur-guura iyo madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim, ayaa maanta shir-hawleed socon doona laba maalmood oo ay ay ka soo qayb galeen 25 xubnood oo iskugu jira guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka, Maxkamadaha gobolada, maxkamadaha gobol-degmooyinka iyo garsoorayaasha Maxkamadaha gobolada kala duwan ee dalka uga furay magaalada Hargeysa.

Shir-hawleedka oo ay ujaadadiisu ahayd sidii loogu diyaar garoobi lahaa dacwadaha ka iman kara doorashooyinka dalka ku soo fool leh, ayaa ugu horayn waxa warbixin kooban xubnaha ka soo qayb galay tababarka ka siiyay, garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, waxaanu sheegay in labada cisho ee uu tababarku socdo ay xubnaha ka soo qayb galay kaga doodi doonaan xeerka doorashooyinka gaar ahaan qodobada la xidhiidha dacwadaha ka yimaada doorashada iyo sidii maxkamaduhu faham buuxa uga qaadan lahaayeen dacwadaha ka yimaada doorashooyinka oo ka xasaasi san dacwadaha kale, wakhti ahaana ka kooban iyo dambiyada ka dhasha doorashada dhexdeeda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali oo tababarka daah-furay ayaa tibaaxay baaxadda ay leedahay doorashada dalka ku soo fool-leh, waxaanu guddoomiyayaasha heerarka kala duwan ee Maxkamadaha iyo garsoorayaashaba ugu baaqay in haddii dacwadahaasi la xidhiidha doorashooyinku ay soo gaadhaan, ay ku dedaalaan cadaaladda oo ay qaadaan sida ay u arkaan cadaalad, kuna dhakhsadaan go’aamada ay ka soo saarayaan dacwadaha, si hufnaanta iyo deg-degsiimuhu u wanaagsanaado. Waxaanu xusay in komishanka doorashooyinku si fiican shaqadooda u wato, hase ahaatee wixii cabashooyin ah ee soo dhaafa ee maxkamadaha soo gaadha in ay u sii diyaar garoobaan sidii ay ugu garnaqi lahaayeen.

Waxaanu kula dardaarmay in ay dareensanaadaan culayska iyo miisaanka ay wataan dacwadaha iyo cabashooyinka doorashooyinku, isaga oo hoosta ka xariiqay in maxkamadaha gobolada iyo gobol-degmooyinka laga rabo masuuliyad dheeraada, dedaal dheeraada iyo dhex-dhexaadnimo dheeraad ah. Waxaanu uga digay in dhinacyada iskula imanaya iska ilaaliyaan, si aan jidka saxda ah looga baydhin, wadajirka iyo isku duubnida dalkana loo ilaaliyo.

Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu xisbiyada iyo murashaxiinta u soo jeediyay in ay ku loolamaan aaraa’da iyo waxqabadka ay dalka ku soo kordhinayaan. Marka ay is dhalliilayaana ay isku dhalliilaan waxa innaga qaloocsamay halka uu ugu baaqay in aan lagu habsaamin shakhsi-weerar, is cay iyo arrimo aan waxba soo kordhinayn. Waxaanu ku bogaadiyay habsamida iyo biseylka siyaasadeed ee ilaa hadda ay muujiyeen axsaabta iyo murashaxiintu.

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyay fahamka ay ka haystaan dawladnimadooda, wadajirkoodu iyo nabad-galyadoodu in ay waxkasta ka horeeyaan, waxaanu ku booriyay in ay ilaaliyaan xiligan doorashada.

Leave a Reply