Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugule (Sooraan) oo lagu Aasay magaaladda Burco Maanta

0
726

Burco (Dawan) – Waxa magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer aas Qaran loogu sameeyey ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugule (Sooraan) oo ku geeryooday magaaladda Burco.

Aaaska Marxuum Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugule (Sooraan) waxa ka qayb galay wefti ka socday xukuumadda Somaliland, maamulka gobolka Togdheer, siyaasiyiin, abwaano, cuqaal, salaadiin, dhalinyaro, jilaayo iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Togdheer.

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, wasiirkii hore ee hawlaha guud ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Abwaan Daaha Gaas iyo cuqaal kala duwan oo aaska ka hadlay ayaa qoyskii, qaraabadii, asxaabtii, bahda fanka iyo sugaanta iyo Qaranka Somaliland uga tacsiyadeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugule (Sooraan) oo maanta lagu aasay magaaladda Burco.

Waxaa ay marxuumka ALLE uga baryeen in uu Jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Leave a Reply