Afhayeenka Xisbiga KULMIYE oo Kormeeray Xarumaha iyo Xafiisyada Ololaha Musharaxiinta ee Degmada Arabsiyo

0
627

Arabsiyo  (Dawan)- Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mudane, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa kormeeray xarumaha iyo xafiisyada musharaxiinta xisbiga KULMIYE ee degmada Arabsiyo.

Kormeerka Afhayeenka oo qayb ka ahaa ololaha maalinta labaad ee xisbiga KULMIYE oo ku soo xidhay guud ahaan ololihiisii doorashada isku-sidkan ee golaha wakiillada iyo golayaasha degaannada dalka, ayaa waxa uu ku maray xarumaha musharaxiinta deegaanka Arabsiyo uga qaybgalaya tartanka doorashada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley iyo qaar ka mid ah musharxiinta u ordaya Golaha Wakiillada Gobolka Maroodi-jeex, kuwaas oo taageerayaashooda isu-soo-baxyo ay cududooda ku muujiyeen ka sameeyeen.

Afhayeenka Buuni oo goobaha uu kormeeray kula kulmay qaar ka mid ah musharaxiinta iyo taageerayaashooda ololaha bannaanbaxa samaynayey oo hadallo uu u jeediyey waxa uu kula dardaarmay inay si buuxda codkooda u siiyaan siiyaan musharaxiinta ay taageersan yihiin ee xisbiga KULMIYE, waxaannu ku boorriyey in ay ilaaliyaan midnimada, nabadgalyada iyo isku duubnaanta oo ay ka foojignaadaan wax kasta oo la damco in lagu carqaladeeyo cod-bixintooda iyo amniga dalkaba.

Leave a Reply