Guddoomiye Axmed Cabdi-dheere oo Shacabka Reer Wajaale kala Qaybgalay Isu-soo-baxa Ololaha Taageerada KULMIYE

0
360

Wajaale  (Dawan)- Shacabka magaalada Wajaale ee degmada Tog-wajaale, ayaa muujiyey taageero baaxad leh oo ay hayaan xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE oo maanta soo gebogabeeyey ololihiisa doorashada isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaannada dalka oo qabsoomi doonta 31ka bishan May 2021.

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane, Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi, Afhayeenka Xisbiga KULMIYE mudane Cabdinaasir Muxumed Buuni, masuuliyiin kale, isla markaana ay wehelinayeen Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Cabdikariin Xaaji Diiriye, madaxda heer gobol iyo degmo ee xisbiga KULMIYE, ayaa kala qaybgalay shacabka reer Wajaale bannaanbax ay isugu tageen fagaaraha magaaladaasi oo ah garoonka Kubadda Cagta, halkaasi oo ay buux-dhaafiyeen boqolaal qof oo lulayey calanka xisbiga Kulmiye oo lagu xardhay sawirrada, magacyada iyo astaamaha musharaxiinta Golaha Wakiillada uga sharraxay Gabiley iyo kuwa u tartamaya Golaha Degaanka degmada Gabiley.

Guddoomiye Axmed Cabdi-dheere iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayey hadallo ay ka jeediyeen fagaarahaasi waxay uga mahadnaqeen dadweynaha reer Wajaale sida ay u caddeeyeen in xisbiga ay taageeradiisa isku raacsan yihiin uu yahay xisbiga KULMIYE, waxaanay kula dardaarmeen in ay codka siiyaan oo ay soo saaraan dhammaan musharaxiinta xisbiga uga sharraxan gobolka Gabiley iyo degmooyinkiisa si uu xisbigu ugu guulaysto aqlabiyadda goleyaasha ee uu horeba u haystay.

Leave a Reply