Somaliland: Shaqaale Dawladdeed oo Anshax-marin mutaystay

0
570

Hargeysa (Dawan) War kooban oo ka soo baxay hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo xeerka shaqaalaha, ay soo gaadheen kiisas shaqaale ku xadgubay xeerka, kuwaas oo loo gudbiyay guddida anshaxa si ay uga soo saaraan go’aamo anshax-marineed.

Sidoo kale waxaa guud ahaan shaqaalaha dawladda looga digay in aanay ku milmin siyaasada, waxaana lagu adkeeyay inay ixtiraamaan xadka sharci ee xilkooda iyo masuuliyada saaran.

Arrintan ayaa ku soo beegmsa xilli uu maalinkii shalay soo dhammaaday wajigii koobaad ee ololaha doorashooyinka isku-sidkan ee wakiillada iyo degaanka oo dalka ka qabsoomi doona haddii ILLAAHEY yidhaajo 31-ka bishan aynu akhirkeeda ku jirno.

Leave a Reply