Taageerada Reer Ceerigaabo iyo Ololaha Doorashada Maalinta Koowaad ee Xisbiga KULMIYE

0
512

Ceerigaabo (Dawan) Taageerada Reer Ceerigaabo iyo Ololaha Doorashada Maalinta Koowaad ee Xisbiga KULMIYE aan u kala hadhin, marwo iyo mudane, siqiir iyo kabiir, carruur iyo ciroole.

Boqolaal taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo, ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaaladaasi.

Wasiirrada wasaaradaha ciyaaraha iyo dhallinyarada iyo shaqada iyo arrimaha bulshada, masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee xisbiga KULMIYE, badhasaabka Sanaag, masuuliyiin iyo siyaasiyiin kale, ayaa ka qayb galay isu-soo-baxa fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo.

Leave a Reply