Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo fariin u Diray Saxafiyiinta reer Somaliland.

0
432

Hargeysa (Dawan) -Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa saxaafadda u soo jeediyay in ay kor u sii qaadaan xirfadooda tebinta wararka la xidhiidha doorashooyinka isku sidanka ee dhammaadka bisha dalka ka qabsoomi doona.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland Sakariye Axmed Muxumed oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in in illaa hadda xoggaha ururkaasi helayaa ay sheegayaan in saxaafadda Somaliland ay si habsami ah oo dhex dhexaad ah u gudbinayaan wararka la xidhiidha ololaha xisbiyada qaranka ee doorashada.

Gudoomiye Sakariye Axmed uu guud ahaan saxaafadda ugu baaqay in ay sii adkeeyaan dhex u ahaanshaha xisbiyada ka qayb qaadanaaya doorashada isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo degaanka, maadaama oo ay tahay doorasho miisaan leh, tahayna markii u horaysay ee Somaliland ay ka dhacdo laba doorasho oo mar la wada qabto.

Ugu dambayn guddomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland wuxuu sheegay in arrimaha doorashooyinka ee la xidhiidha saxaafadda ay wada shaqayn kala leeyihiin komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxaanuu saxaafadda ku addkeeyay in mudada kooban ee ka hadhay ololaha iyo doorashadaba ay muujiyaan dhex dhexaadnimo

Leave a Reply