Taareegeyaasha Xisbiga KULMIYE oo Cududooda ku soo Bandhigay Goboladda iyo Degmooyinka Dalka.

0
352

Hargeysa(Dawan):-Xisbiga KULMIYE ayaa gobolada iyo degmooyinka dalka ku soo bandhigay ololihiisa doorashada goleyaasha wakiillada iyo degaanka, iyadoo ay taageerashaasha xisbigaas ay kala qayb galeen masuuliyiin iyo murashixiinta doorashada soo socota ee xisbigaas.

Gobolada maanta uu xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay dhoola-tuskaas ololaha waxa ka mid waxa mid ahaa Maroodi-jeex, Togdheer,Sanaag, Awdal, Sool iyo Saaxil.

Waxa halkaas hadalo uga jeediyay taageereyaasha xisbiga KULMIYE masuuliyiinta xisbigaas iyo murashixiinta u taagan doorashada goleyaasha wakiilada iyo degaanka, waxaanay u soo jeediyeen in ay ka qayb qaataan doorashooyinkaas, isla markaana ay codadkooda siiyaan murashixiinta KULMIYE.

Ugu dambayn xisbiga KULMIYE wuxuu isu soo baxyo kala duwan ku soo bandhigay degmooyinka Hargeysa, Boorama, Ceerigaabo, Laascaanood, Berbera, Oodweyne, Caynaba, Sheekh, Gabiley, Bali-gubadle, Salaxley, Saylac iyo dhammaan degmooyinka kale ee dalka, iyadoo taageereyaasha xisbigaasina ay siteen astaamaha xisbigaas iyo kuwa murshixiinta u taagan doorashooyinka isku sidkan ee wakiilladda iyo degaanka ee dhici doonta 31 May.

Leave a Reply