Ka Fikir Muwaadin Saacada Masiirka Dalku Gacantaada ku Jiro!

0
871

Qore: Cumar Maxamed Faarax

Hargeysa (Dawan) Maalinta Isniinta ee 31ka May, waa maalin taariikhi ah oo Jamhuuriyadda Somaliland ay cutub hore leh ku kordhinayso sumcadeedii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Waa dharaarta loo dareerayo doorashadii Toddobaad ee Somaliland ka qabsoomaysa, waana mid ka duwan kuwii hore. Waa laba doorasho oo dhaqaale badani dalka kaga bixi jiray oo la mataaneeyey, si kharashka loo madhxiyo, loona hirgeliyo labadan doorasho oo kal-dhaafay.

Taariikhda ay Somaliland qorayso waxa ka mid ah; in dhaqaalaha ugu badan ee doorashadan ku baxaysa ay Xukuumadda Somaliland dabartay, isla markaana ay tahay doorashadii labaad JSL ku galayso diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ugu casrisan oo “Isha Bu’deeda la sawirayo.”

Guusha kale ee Somaliland ku faani kartaa, waxa weeye in si maxaliya ay gudaheeda uga dhammaysatay laba sannadood oo khilaaf ka taagnaa geddi-socodka doorashooyinka Isniinta loo dareerayo ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Muwaadin, ogsoonoow inaad tahay Cidda koowaad ee masiirka dalku horyaalo saacaddaas aad codaysnayso, xisaabta ku dar in cidda aad dalka u xushaa ay shan sannadood fadhiisanayaan Aqalka sharci dejinta dalka iyo maamulkii xukumi lahaa degmada ay maxasta iyo carruurtaadu taallo. Si qoto-dheer uga fikir cidda aad ku aaminayso mustaqbalkaaga oo aan mudnayn inaad ilduufto.

Muwaadin, ha xeerin xisbi ama murrashax aad isku jifo ama ardaa tihiin ee maanka ku hayso inaad gacantaada ku soo cugato xildhibaanno xilkas ah oo dalka horumarkiisa doorkooda ku yeesha.

Ha ku dhego-barjoobin muusanowga murrashaxiinta ee ka baaraan-deg xilkaas dastuuriga ah ee shanti sannadoodba mar ku soo maraya. Codkaada dhiibo oo ha ka baaqsan waajibkaas dastuurku ku siiyey ee aanay nasiib u helin ummaddo badan oo dunida kugula nooli.

Baaqa ugu dambeeya ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku waa mid ah qudha oo ah in Muwaadiniintu ay si nabadgelyo ah codkooda u dhiibtaan 12ka saacadood ee ay socoto codbixinta doorashooyinka.

Doorashadan iyo sida ay Somaliland uga gudubtaa waxa ay tijaabo kale u tahay nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland oo qaan-gaadhay, cago adagna isku taagaya, waxa doorashooyinka Somaliland markhtaati ka noqonaya korjoogto caalamiya oo u kuurgali doona heerka dimuqraadiyadda iyo xornimada doorashooyinka Somaliland gaadhsiisan tahay, kuwaasi oo tagi doono inta badan 2,709 goobood oo doorashooyinku ka qabsoomayaan.

Xukuumadda Somaliland waxay hawlgelisay in ku dhow 15 Kun oo askari oo sugaya ammaanka goobaha iyo nidaamka codbixinta, kuwaasi oo Sabtidii shalayba degay goobihii loo asteeyey, waxaana shacbiga looga baahan yahay inay gacan siiyaan Hay’adda ammaanka oo si feejigo leh uga indho-dheer u leh cadowga isku daya inuu waxyeelo xasiloonida iyo nabadgelyada dalku ku naaloonayo.

Ugu dambeyn, muwaadin kasta waxa horyaalla inuu masuuliyad isa saaro oo uu la shaqeyeeyo Komishanka Doorashooyinka iyo Ciidammada Ammaanka, waxana habboon in qof kastaa si nabdoon uu codkiisa u dhiibto isla markaana xaqiiqsado in tartamihii guulaystaaba uu Somaliland yahay.

Waxaan ku soo gabogabaynayaa inaynu ficil u beddelno odhaahda Madaxweyne Muuse Biixi ee ahayd “Doorashada maanta Somaliland ma kala guulaysanaysee way wada guulaysanaysaa.”

Leave a Reply