Xaafad ku taal Hargeysa oo Miino lagu Qarxiyey

0
432

Hargeysa-(Dawan) -Hawl-wadeenada hay’adda miino baadhista ee HALLO TRUST iyo hawl-wadeeno kale ayaa saaka xaafadda hawl-wadaag ee magaalada Hargeysa  ku qarxiyey miino.

Dadka degaanku ayaa sheegay in miinadaasi ahayd mid carruuri ku ciyaarayeen, taas oo markii dambe lagu soo wargeliyay laamaha ku shaqada leh miino baadhida.

Hawl-wadeenadii HALLO TRUST ayaa si nabadgelyo ah u qarxiyay miinadaas, iyada oo aanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhin bulshada iyo hawl-wadeenadii ku hawlanaa sidii bulshada looga badbaadin lahaa.

Leave a Reply