Cabdikariim Mooge oo la baaxa degaaya Culays Siyaasaddeed

0
475

Hargeysa:(Dawan)- Xubin gole degaan Cabdikariim Axmed Mooge oo ahaa murrashaxii ugu codkaa doorashada degaanka ee 31may dalka ka dhacday ayaa dareemay culays siyaasadeed.

Mooge ayaa sheegay in aanu tanaasulay taasi oo bulshada dareensiisay in uu jira shakhsi kale oo isbahaysiga Mucaaradku u doonayo maayirnimada caasimadda Hargeysa.

Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ku tiraabay hadal muujinaya in laga dul guuray. “Anigu iskuma sharraxin inaan ahaado Mudane Gole Deegaan ilaa halka u dambaysa waxaan u taaganahay inaan noqdo Maayarka Caasimada, kamaan tanaasulin hankaygii, madaxwayanaha waxaan ugu baaqayaa inuu ixtiraamo rabitaanka shacabka.”

Loolanka lagu jiro maayirnimada caasimadda Hargeysa ayaa sii xogaysanaaya maalinba maalinta ka danbaysay.

 

 

Leave a Reply